Dil toogasho oo ka dhacay magaalada Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) ― Warar ay helayso Caasimada Online ayaa sheegaya in magaalada Hargeysa uu maanta nin hubeysan ku toogtay qof rayid ah.

Toogashadan ayaa ka dhacday Xaafada Siinay ee Degmada Axmed Dhagax. Qofkan la toogtay ayaa lagu sheegay magaciisa Mahad Sool Ducaale.

Wararka aan helayno ayaa sidoo kale sheegaya in qofkan la toogtay uu dilay nin ay isku hayb-yihiin, isla markaana la sheegay inuu yahay Askari katirsan Ciidanka RRU-da Somaliland.

Ninkan dilka geystay ayaa isla markiiba ka cararay goobta, sida ay Caasimada Online u sheegen dad goob-joog ahaa.

Ilaa iyo hadda wax war ah kamay soo saarin dilkan laamaha amniga ee Somaliland

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com