Maxaad kala socotaa afarta QORSHE ee laga leeyahay safarka Deni ee Imaaraadka?

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta safar ugu ambabaxay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta.

Waftiga Madaxweynaha ayaa waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Cabdullaahi Cabdi Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey safarka uu ugu ambabaxay Dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, waxaana uu tilmaamay in safarkani ku qotomo adkaynta xidhiidh ka labada dhinac ee arrimaha ganacsiga.

“Maanta oo bishu tahay April 08 2019 waxaan safar ugu socdaa dalka Imaaraadka Carabta, waxaa i weheliya wafdi wasiiro ka kooban, waxaan rajaynayaa mudada aan ku maqanahay howlo dhowr ah oo dalka Imaaraadka iyo Puntland u dhexeeyey aan kasoo wadahadalno oo ay ugu muhiimsan tahay sidii labada ganacsi loo sii xoojin lahaa oo ay ugu horayso xoolaha Puntland oo waayadaan laga joojiyey dalka Imaaraadka sidii loo furi lahaa.” Ayuu yiri madaxweyne Deni.

Deni ayaa shaaca ka qaaday inuu Imaaraadka kala haldi doono qodobo ay ka mid yihiin:-

1 – Sidii diyaaradaha Imaaraadku ay u imaan lahaayeen, duulimaadyana uga billaabi lahaayeen garoomaha Boosaaso iyo Garoowe

2 –  Arrintan DP WOLRD, oo ah shirkadda maamusha dekedda magaalada Boosaaso.

3 – Sidii dawladda Imaaraadku oo Puntland ka caawisa ciidanka PMPF oo shaqo weyn ka haya dhinaca xeebaha iyo ladagaalanka argagixisada, ay usiin lahayd horumarin dhinaca ciidanka ah, maadaama ay culays amni kusoo soo bateen Puntalnd.

4 –  Sidii Imaaraadka ay Puntland uga taageeri lahaayeen arrimaha ku saabsan horumarinta dhinaca dhaqaalaha Puntland.

Hoos ka dhageyso codka Deni

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com