28.9 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Somaliland oo Itoobiya ka reebtay dalalka ay joojisay duulimaadyada ka yimaada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xukuumada Somaliland ayaa goordhoweyd oo maanta ah soo saartay go’aano culus oo ay kaga hortageyso fayruska faraha ba’an ku haya dunida ee Corona.

Somaliland ayaa gebi ahaanba joojisay duulimaadyada 8-dal ee ku imaan jireen magaalada Hargeysa, iyada oo ku dartay duulimaadyada la joojiyey kuwa ka imanaaya magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Dalalka ay Somaliland joojisay duulimaadyadooda ayaa lagu sheegay inay kala yihiin dalalka China, Italy, Iran, France, South Korea, Spain, Kenya iyo Soomaaliya.

Xukuumada Biixi ayaa duulimaadyada ay joojisay ku darin kuwa ka imaada dalka Itoobiya, iyada oo la ogyahay in dalkaasi laga helay Kiisas la xiriira fayruska Corona.

Somaliland ayaa wadamada caabuqaasi ka dilaacay ka reebtay Itoobiya, oo iyadu la tacaaleysa Kiisas Corona ah oo laga helay gudaheeda, halka ay ku dartay dalka Kenya oo iyadana laga helay Kiisas la xiriira caabuqaasi.

Xukuumada ayaa hore u sheegtay inay joojisay ‘Dal ku galkii’ ay siin jirtay dadka ka imaanaya dalka Itoobiya, midaasi oo marnaba damaanad qaadi karin joojinta duulimaadyada dalkaasi ka imanaya, maadama laga reebay dalalka la joojiyey duulimaadyadooda.

Cabsida baahsan ee laga qabo Caabuqa Coronavirus ayaa sarre u sii kacday kadib markii ay shalay shaacisay Dowladda Soomaaliya in dalka laga helay Kiis la xiriira caabuqaasi, iyada oo hore looga helay Kiisas la xiriira dalalka deriska ee Itoobiya iyo Kenya.

- Advertisement -

Read more

Local News