Villa Somalia oo baarista Coronavirus laga billaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta xarunta madaxtooyada ka bilowday baaris ku aadan cudurka Coronavirus oo shalay kiiskiisii ugu horreeyey laga helay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdosho.

Shaqaalo caafimaad ayaa la dhigay xafiisyada qaar ee Villa Soomaaliya, kuwaas oo baaraya mas’uuliyiinta iyo dadka kale ee gudaha galaya xafiisyadaasi, sida xarunta Villa Hargeysa oo uu hadda ku shaqeeyo baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dadka baarista lagu sameeyey waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka, Mahad Cabdalla Cawad oo boggaadiyey tallaabada ay dowladda qaaday.

Sidoo kale wuxuu ku taliyey in goob walba oo ay dadka isugu yimaadaan laga baaro cudurka Coronavirus oo haatan halis badan ku haya caalamka.

“Waxaan codsanaynaa in goob walba oo la isugu yimaado laga baaro shacabka caabuqa Coronavirus. Waxaan dhiirigalinaynaa qof walba inuu u hogaansamo, waliba shakhsigu raadsado in la baaro. Villa Hargeysa qof aan la baarin ma soo galayo. Anigu waan is baaray maanta. Muwaadin is baar.” ayuu yiri guddoomiye Mahad Cabdalla Cawad.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa horay dadaallo looga hortagayo cudurkaan iyo baaris ka bilowday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo qofkii horreeyay oo laga helay xanuunka dhowaan lagu qabtay, kaas oo hadda ku jira xaalad karantiil ah.