Muuse Biixi oo ka hadlay dilkii taliyaha sirdoonka, heegan geliyay ciidamada

Hargeysa (Caasimada Online) ― Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka hadlay dilkii ay xalay u geysteen Ragg ku hubeysnaa Bistoolado Taliyihii ciidamada Sirdoonka ee gobolka Sool, Cabdiqani Guhaad.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Cadowga Somaliland uu dagaal ku soo qaaday, isla markaana loo baahan yahay in Ciidamadu ay ka hortagaan falalka noocaasi ah iyo cid kasta oo ku soo duusha Somaliland.

Muuse Biixi ayaa xusay in Bil ka hor magaalada Laascaanood lagu dilay Guddoomiyihii maxkamadda ee gobolka Sool, taasi oo ku tilmaamay mid cadowgu uu ka helayo dhiiranaan.

Sidoo kale waxa uu Biixi ka dhawaajiyey in Falalkaasi lidiga ku ah amniga ee dhacaya ay ku soo beegmeen xili ay taagan tahay dhibaatada aduunka jahwareerisay ee fayruska Corona, oo u sheegay inay diyaar u yihiin ka hortaga labadaasiba.

“Xalay waxaa la dilay Taliyihii nabad-sugidda ee Laascaanood Bil meelahaas ka horna waxaa la dilay xaakimkii, cadowgu wuu ku soo dhiiranayaa marka la dilo Xaakimkii iyo sahankii, waa cadow innagu soo maqan” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.

Wuxuun intaas sii raaciyey “Waxaynu arkaynaa dhibaatadan cudurka oo jirta in cadowgeeniina uu weerar innagu soo qaaday, kuwaas ka jawaabi-doodana diyaar baan u noqonaynaa”.

Dhinaca kale, Madaxweynaha ayaa ciidamada Somaliland galiyay heegan buuxa kaasi oo ku aadan sidii ay u sugi lahaayeen bad-qabka xuduudaha Somaliland, weliba midda ay la wadaagto Itoobiya oo laga helay Kiisas la xiriira caabuqa Coronavirus.

Madaxweynaha ayaa Ciidamada faray inay u diyaar-garoobaan sidii ay jawaab adag uga bixin lahaayeen weeraro uu sheegay in uu cadowgu ku soo qaadayo Somaliland, wuxuuna yiri

“Maanta intuu dalku leeyahay cudud maamuli karta dalka xuduudihiisa iyo gudihiisaba ayey ku sinnaanaysaa  badbaadadiisu si ay u yaraato dhibaatada uu xanuunkaasi leeyahay haddii uu ina soo gaadho”.

“Waxa aynnu ka hortegaynaa masiibo adduunka oo dhan gaadhay oo aynaan garanayn meel ay kaaga imanayso oo aan dawo lahayn oo meel kaaga soo socoto iyo si ay u imanayso aan la garanayn oo loo baahan yahay inaynu iska maarayno”.

Wuxuuna intaas kusii daray Madaxweynuhu  “Sidaas darteed farriinta aan ciidanka ugu imid waa in heegan buuxa la galo, xilkii hore ee aad hayseen ee qaran ee dalka difaaciisa ahaa ee awalba aad idinku u taagnaydeen, tanna way inagu soo korodhay”.

“Somaliland Ilaahay mahaddii ilaa saaka weynu nabad qabnaa, laakiin feejignaan weyn, dedaal weyn iyo diyaargarow weyn ayeynu u baahan nahay, maanta dal waliba waxa uu kaga bixi karaa masiibadaas, ama uu ku yarayn karaa ama kaga hortegi karaa awoodda ciidamadiisa, waana maalintii ciidamo loo baahnaa nooc ay yihiinba”.