Somaliland oo jawaab ka bixisay dalabkii Puntland

Hargeysa (Caasimada Online) ― Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo kamid ah xildhibaanada Golaha wakiilada ee Somaliland ayaa si adag uga jawaabay dalab kasoo baxay Maamulka Puntland, kaasi oo ay ku dalbanayeen inay kamid noqdaan wada-hadalada Somaliland & Somalia.
“Farmaajo aan la shirno ama cid kale aan la shirno Puntland waa gobol kamid ah Soomaaliya, waxay nagu soo darsan karto majirto, anaga Somaliland baa nala yidhaahdaa, waxaas haddey joojin weydo Puntland baa ka shaleyn doonta, Garoowe baad ka qixi doontan ban leeyahay hadaad fara-gelinta aad nagu haysaan hadaad joojin weydaan, wlhi baad Garoowe ka qixi doontan” ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac.
Muddooyinkii udambeeyay waxa isasoo taraya hadalo kulul oo masuuliyiinta labada Maamul ay hawada isku marinayaan iyaga oo xiisad dagaalna kaga dhex aloosantahay deegaano katirsan G/Sanaag.
Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com