Xiisadda Galmudug oo sii xoogeysatay iyo Gacal oo go’aan cusub shaaciyay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xoogeysanaya xiisadda siyaasadeed ee u dhaxeysa madaxda maamulka Galmudug ee xarumo ka kala dhigtay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusomareeb.

Cali Gacal Casir Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Cadaado ayaa sheegay in doorashada ka dhaceyso Galmudug aysan u joogsaneyn madaxda ku sugan magaalada Dhuusomareeb.

Wuxuu sheegay in Galmudug ay leedahay Dastuur iyo xildhibaano ilaalinaya islamarkaana  doorashada ay ku dhaceyso waqtigeeda, wuxuuna sheegay in xiligii la dhisay maamulka Galmudug lagu saleynayo doorashada maamulkaasi.

Waxaa muuqata inuu ka horjeedo hadalkii kasoo yeeray madaxa xukuumadda Galmudug oo ahaa in seddex sano kadib ay Galmudug ka dhaceyso doorashada madaxtinimada maamulkaasi.

Madaxda Galmudug ee ku sugan dhuusamareeb ayuu u sheegay in Dastuurka Galmudug aan waxba laga bedelin, sidoo kalena Xildhibaanada Galmudug ay yihiin 89 Xubnood, Xarunta Baarlamaanka Galmudugna ay tahay Magalada Cadaado cid waxka bedeli kartana aysan jirin.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare ee dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sii xoogeystay, kuwaas oo kala degan Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Cadaado,iyaga oo kala leh laba madaxweyne iyo laba guddoomiye Baarlamaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com