Hargeysa (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Milateriga Somaliland ayaa markii ugu horreysay ka hadlay rabshadihii dadka badan ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Boorama, iyadoo milaterigu iska fogeeyay inuu si bareer ah u dilay shacabka.
G/Sare Maxamed Cabdi Cabdille, oo ku hadlayay afka ciidanka milateriga Somaliland, ayaa sheegay inay daba socdaan xogo sheegaya in dad ku hubaysan qoriga sniper-ka ay qayb ka qaateen laynta shacabka Boorama.
Waxa uu ku dooday in marnaba ay ciidamada Somaliland ka suurtageli karin inay si bareer ah u beegsadaan shacabka, balse ay tuhunsan yihiin in dad aan reer Somaliland ahayn ay sheedda ka tooganayeen shacabka, iyagoo adeegsanaya qoryaha sniper-ka.
“Ciidamada qaranku waa ciidamadiinnii idinku aad lahaydeen, amnigiinna ka shaqaynayay, kama suurtagasho inay shacabkooda, hablahooda, carruurtooda iyo dumarka reer Awdal iyo Salal ay si badheedh ah wax u gaadhsiiyaan, kamana dhexeyso cadaawad,” ayuu yiri Gaashaanle Cabdille.
Waxa uu intaas ku sii daray: “Waxaanu dareensanahay inay jirto gacan saddexaad, dad meelo fog fog wax ka shiishayay, in la isticmaalay qoriga isnaybarka la yidhaa. Waxaanu daba soconnaa warbixino caynkaa ah oo isdaba-joog ah.”
G/Sare Maxamed ayaa nabad ugu baaqay dadka reer Boorama iyo guud ahaan bulshada degta gobollada Awdal iyo Salal, isagoo ka tacsiyeynaya dhallinyaradii ku geeriyootay dhibaatadii ka dhacday magaalada.
“Ciidanka qaranku wuxuu diyaariyay dawooyin, dhakhaatiir iyo gaadiid caafimaad oo loo diray magaalada Boorama si ay qayb uga qaataan gurmadka loo fidinayo dadka dhaawaca ah.”
Taliska ciidanka milateriga ma soo bandhigin caddeymo uu ku xoojinayo in jiho kale ay ku lug lahayd laynta shacabka ku banaanbaxayay Boorama. Mana jirto illaa hadda cid arrintan loo soo qabtay, iyadoo taas beddelkeed la arkayay ciidanka oo shacabka rasaas u adeegsanaya intii ay socdeen rabshaduhu.
Si kastaba ha ahaatee, rabshadihii magaalada Boorama oo socday saddex maalmood oo xiriir ah ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 30 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 150 ruux.
Hoos ka daawo muuqaalka

