25.3 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Maxay ka dhigan tahay in wasiirkii ugu saameynta badnaa Awdal uu iska casilo S/Land?

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Wasiirkii Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland, isla markaana ahaa Afhayeenka xukuumadda, Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa xalay ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro.

Is-casilaaddiisa ayuu ku sababeeyay xaaladda ka taagan magaalada Boorama iyo go’aannadii kala duwanaa ee xukuumaddu ka qaadatay muranka ku saabsan xuska Xeerka Ciise ee lagu qaban lahaa magaalada Saylac.

Axmed-Yaasiin, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in markii hore uu xilka aqbalay isagoo og “in uu ku shaqaynayo go’aannada dowladda, ha yeeshee uu ka baxay markii laba go’aan oo is khilaafsan kasoo baxeen madaxweynaha, midna isaga lagu yidhi ku dhawaaq, midna uu madaxweynuhu ku dhawaaqay.”

“Go’aanka xukuumaddu gaadho ee ahaa in xafladda xeerka Ciise lagu qabanayo Saylac, muu ahayn go’aan Axmed-Yaasiin jeebkiisa kala soo baxay ee wuxuu ahaa go’aan xukuumaddeed. Afhayeenkii xukuumadda ayaan ahaa, waana ku dhawaaqay” ayuu yiri.

Is-casilaaddan ayaa ah tii ugu horreysay ee ka dhacda xukuumadda tan iyo markii uu sanadka xilka hayay madaxweyne Cirro.

Maxay ka dhigan tahay is-casilaaddan?

Qareen Guuleed Axmed Jaamac (Guuleed Dafac) oo arrintan ka hadlay sheegay in tallaabadan ay dhaawici karto kalsoonida xukuumadda, isla markaana laga yaabo inay keento isku shaandhayn cusub si loo adkeeyo kalsoonida golaha wasiirrada.

“Wasiirka wuxuu ka mid aha wasiirrada loogu ixtiraamka badan yahay xukuumadda madaxwayne Cirro. Ka bixitaankiisa xukuumadda waxa ay ku keenaysaa xukuumadda dhaawac xagga kalsoonida ah,” ayuu yiri Guuleed Dafac.

Waxa uu intaas kusii daray: “Waxay sidoo kale soo dadejin kartaa in madaxwaynuhu sameeyo isku shaandhayn si uu kor ugu qaado kalsoonida lagu qabo golihiisa wasiirrada.”

Guuleed Dafac wuxuu tilmaamay in Axmed-Yaasiin uu ahaa wasiirka ugu miisaanka culus ee kasoo jeeda gobolka Awdal, isla markaana kaalin ku yeelan lahaa dejinta xiisadda gobolka hadda taagan.

Si kastaba, Axmed-Yaasiin Sheekh Cali Ayaanle ayaa siyaasadda Somaliland ka muuqday tan iyo 2005-tii, markaas oo uu noqday xildhibaan ka socday gobolka Awdal.

Sannadkii 2017-kii wuxuu noqday Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada, xilkaas oo uu hayay ilaa 2021-kii. Bishii December ee 2024-kii ayaa loo magacaabay Wasiirka Warfaafinta iyo Afhayeenka xukuumadda, xilkaas oo uu si rasmi ah uga degay xalay.

Waxaa sidoo kale la xusuustaa inuu ka soo jeedo ganacsatada gobolka Awdal, halka aabihii Sheekh Cali Ayaanle uu ka mid ahaa culimada waaweyn ee gobolka.

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News