25.3 C
Mogadishu
Wednesday, January 21, 2026

Wararkii ugu dambeeyay ee xaaladda Boorama iyo xiisadda oo weji kale yeelatay

Bookmark
Bookmarked

Share

Boorama (Caasimada Online) – Xaaladda magaalada Boorama ee gobolka Awdal ayaa kusoo laabanaysa sidii caadiga ahayd, kadib maalmo bannaanbaxyo rabshado wata ay ka dhaceen.

Rabshadahan oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa salka ku hayay go’aankii habeenkii Jimcihii kasoo baxay xukuumadda Somaliland, kaasi oo lagu fasaxay qabashada munaasabadda Xeer Ciise.

Bannaanbaxyada rabshadaha watay ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 25 qof, halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 150 ruux.

Inkastoo Somaliland ay ka laabatay go’aankeeda, isla markaana uu shalay Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ku dhawaaqay in gebi ahaanba la joojiyay munaasabadda Xeer Ciise ee ka dhici lahayd degmada Saylac, haddana xiisaddu waxay yeelatay weji cusub.

Sidee ku bilowdeen rabshaduhu?

Habeenimadii Jimcihii, markii uu Wasiirka Warfaafinta Somaliland ku dhawaaqay in la fasaxay qabashada xuska Xeer Ciise, waxaa magaalada Boorama isugu soo baxay dadweyne careysan.

Xeerkan oo Qaramada Midoobay ay u aqoonsatay xeer qaddiimi ah sanadkii hore, ayaa la doonayay in lagu qabto magaalada Saylac.

Dadkan oo u badnaa dhallinyaro ayaa waddooyinka muhiimka ah ku gubay taayirro, iyagoo gebi ahaanba xanibay isu socodka gudaha magaalada.

Dhallinyaradu waxay sidoo kale weerareen Bankiga Dhexe ee magaalada Boorama iyo saldhigyada, halkaas oo rabshaduhu ka bilowdeen.

Xukuumadda Somaliland ayaa dhankeeda magaalada kusoo daabushey ciidan milatari ah oo aad u badan, waxaana gudaha magaalada iska hor imaad ku dhex maray ciidanka iyo shacabkii gadoodsanaa.

Dhallinyaradii dhigayay dibadbaxa ayaa dhagxaan adeegsanayay, halka ciidamadu ay ku ridayeen rasaas nool, taas oo kordhisay khasaaraha dhimashada iyo dhaawaca.

Ciidamada Somaliland ayaa la arkayay intii ay socdeen rabshaduhu iyagoo si bareer ah u tooganaya qaar kamid ah shacabka, taas oo dab ku sii shidday xiisadda.

Odayaasha dhaqanka iyo mas’uuliyiinta gobolka ayaa isku dayay inay xakameeyaan dhallinyarada dhigayay bannaanbaxa, ilaa markii dambe uu soo baxay amar madaxweyne oo lagu joojiyay bandhiggii dhaliyay rabshadaha.

Xiisadda oo yeelatay weji cusub

Rabshadihii Boorama ayaa si buuxda u istaagay, kadib markii beesha Ciise oo iyadu qabanaysay bandhigga ay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland iyo beelaha Gadabuursi, kuwaas oo si adag uga horyimid xuska Xeer Ciise iyo sheegashada degmada Saylac.

Kadib markii ugaaska guud iyo odayaasha dhaqanka Ciise ay ku dhawaaqeen dagaalka, waxaa isbeddelay aagga laga cabsi qabo inuu noqdo goob colaadeed.

Intaas kadib, ugaaska guud ee beelaha Gadabuursi ayaa isaguna sheegay inuu ka aqbalay dagaalka uu ku baaqay ugaaska Ciise, taas oo jihada u leexisay dhanka Saylac.

Saylac ayaa haatan noqotay ubucda xiisadda ka dhalatay qabashada xuska Xeer Ciise, iyadoo labada beelood ay mid walba dhankeeda sheeganayso lahaanshaha deegaankaasi.

Beelaha Gadabuursi ayaa u arka dhawaaqa Ciise mid uu ku hunguriyeynayo dhul uusan lahayn, halka Ciise-na u arko in dhulkiisa loo diidayo inuu ku qabsado xeerkiisa.

Waxaa haatan ka socda abaabul dagaal oo xooggan deegaannada ku teedsan degmada Saylac, halkaas oo laga cabsi qabo in labada dhinac uu ku dhex maro dagaal lagu riiqmo.

Xukuumadda Somaliland oo hore ugu fashilantay isku soo dhaweynta beelahan wada dega iyo ka hortagga xiisadda faraha ka sii baxaysa ayaa si dhow isha loogu hayaa sida ay u maareyn doonto arrimaha taagan.

- Advertisement -

Read more

Local News