Somaliland oo ka carootay arrin ku saabsan heshiiska badda kadibna weerartay…

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somailand ayaa xalay weerar ku qaaday xarunta MM-TV oo ku yaalla magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, iyaga oo jirdil iyo xarig u geystay guddoomiyaha Telefishinkaasi Maxamed Ilig iyo laba Wariye oo kale.

Weerarka ayaa dhacay xilli Tv-ga ay ka socotay dood ku saabsaneyd heshiiska badda ee ay Somaliland la gashay dowladda Itoobiya, waxaana marti ku ahaa oo khadka taleefanka uga qayb-galayay wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Yuusuf Garaad iyo rag kale.

Qoraal kasoo baxay maamulka sare ee MM-TV ayaa waxaa looga hadlay dhacdadaasi, waxaana lagu sheegay warka in qalab la burburiyay, kuwa kalena ay qaateen ciidanka.

Hoose ka akhriso warsaxaafadeedka:-

Ciidamada falka gaystay ee sida fawdada ah usoo weeraray MM-TV, waxay burburiyeen qalabkii yaalay xarunta qaybna way qaateen, waxa kale oo ay joojiyeen dood ka socotay Barta Twitter-ka ee TV-ga dooddaas oo ku Saabsanayd —“ Faa’iidada iyo Halista uu yeelan karo Isfahamka Badda ee Somaliland iyo Ethiopia” dooddaas oo aanay marnaba ku jirin wax dambi iyo xadgudub ah oo uu ka qaybgalay Mudane Faysal Cali sheekh oo ah Masuul culus oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

Askar  ka tirsan ciidanka Somaliland ayaa  xalay soo weeraray Xarunta MM-TV ee Magaalada Hargeisa, Halkaas oo ay dhibaato iyo gacan ka hadal ugu gaysteen Maamulka iyo xubno ka tirsan hawl-wadeenada shaqada ku sugnaa oo kala ah:-

1- Maxamed Abdi Ilig (Guddoomiyaha MM-TV), 2- Ilyaas Cabdinaasir, 3- Maxamed Cabdi Cabdilaahi (Andar).

Ciidamada falka gaystay ee sida fawdada ah usoo weeraray MM-TV, waxay burburiyeen qalabkii yaalay xarunta qaybna way qaateen, waxa kale oo ay joojiyeen dood ka socotay Barta Twitter-ka ee TV-ga dooddaas oo ku Saabsanayd —“ Faa’iidada iyo Halista uu yeelan karo Isfahamka Badda ee Somaliland iyo Ethiopia” dooddaas oo aanay marnaba ku jirin wax dambi iyo xadgudub ah oo uu ka qaybgalay Mudane Faysal Cali sheekh oo ah Masuul culus oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland.

Dhanka kalena uu khadka kaga jiray Mudane Yuusuf Garaad Cumar, oo Xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadda Soomaaliya.

Mudane Faysal Cali Sheekh, ka hor intii aanu ka qaybgalin doodda waxaa la ogaa si dhawna ay usoo wada hadleen masuuliyiinta sare dawladda oo ka warqabay in uu doodda ku matalayo iyagu aqbalay oo ku ogaa, dood midho dhal ah ayuuna ka dhiibtay falanqaynta socotay.

Lama oga waxay qoonsadeen Mana jirto sabab wax aan dambi ahayn loogu dhibaateeyo Suxufiyiin iyo xarun warbaahineed oo ay shaqadeeda tahay in ay xaaladaha jira ay u tabiso umadda, oo warbixin iyo doodba laga sameeyo maadaama ay tahay shaqo saxaafadeed.

Maamulka iyo Shaqaalaha MM-TV, waxay cambaaraynayaan weerarka iyo xadhiga sharci darrada ah ee lagula kacay Maamulka MM-TV iyo xubnaha shaqaalaha ah.

Waa gaf, awood sheegasho, cabudhin, ku tumasho sharci iyo kalsooni darro haysata dadka arrintan ka dambeeyay.

Waxa aanu ugu baaqaynaa xukuumadda Somaliland in lasii daayo guddoomiyaha iyo xubnaha laga xidhay MM-TV, baadhitaana lagu sameeyo xadgudubka iyo Burburinta loo gaystay Xarunta MMTV oo ka ay leeyihiin muwaadiniin kana  Mid ah cashuur bixiyeyaasha waddanka.