Somaliland oo ka hadashay isbedel la sheegay inuu ku yimid xiriirkeedii Itoobiya

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa markii u horeysay ka hadashay isbedel la sheegay inuu ku yimid xidhiidhkii kala dhaxeeyay dowladda Itoobiya, isla markaana ay Xukuumadooda ay walaac qabto.

Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Biixi ayaa sheegtay inaysan waxba iska badalin xidhiidhka Somaliland kala dhaxeeya dowladda Itoobiya, midaasi oo ay ku beeninayso warbixin dhowaan uu daabacay Wargeysa ka soo baxa Itoobiya.

Wargeyskaasi ayaa sheegay in Somaliland ay aad uga walaacsantahay isbedelka uu siyaasadii dowladda Itoobiya ka sameeyey Raysul wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed.

Yaasiin Maxamuud Xiir Faratoon, Wasiirka arrimaha dibeda Somaliland, oo arrintaasi ka hadlayey ayaa warbixinta wargeyskaasi ku tilmaamay mid aan xaqiiqda ku saleysneen oo malo awaal ah.

“Hadalkaasi markii aanu baadhnay siduu ku soo baxay waxay iska ahayd si sheeko ah oo aan ujeedo ahayn wax si rasmiya uga baxay wasaaradda oo uga waramayey may ahayn wax kala fogaansho ah iyo wax ka bedelmay xidhiidhkii hore ee fiicnaa ee Itoobiya iyo Somaliland u dhexeeyey ma jirto” ayuu yiri Wasiir Yaasiin Faratoon.

Wuxuuna intaas kusii daray Wasiirku “Cid iska indho tiri karta jiriteenka Somaliland ma jirto, dadka ka shakiyey shirarkii madaxweynaha Soomaaliya, ka Eritrea iyo Ra’isal wasaaraha Itoobiya ku shiri jireen ee u qaatay inay khatar ku tahay Somaliland waxba kama jiraan, waayo ee gobolka saddexdaas dal uun maaha oo dalal kale ku yaalla”.

Wasiirka ayaa ugu dambeyntiina waxa uu beeniyay in dowladda Itoobiya kala laabatay wakiilkeedii Hargeysa, taasi oo uu sheegay in uu Safiirka Itoobiya ee Hargeysa uu gaadhay da’dii howl-gabka, isla markaana ay dowladda Itoobiya badelkiisa diyaarineyso.