Sawiro: Maxaa looga hadlay kulankii Sheekh Shariif iyo Ismaaciil Cumar Geelle?

Jabuuti (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran ee dalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa gaaray Magaalada Djabuuti ee dalka Jabuuti.

Waxaa ay la kulmeen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay kala hadleen doorashooyinka lagu waddo in ay ka dhacaan Soomaaliya Sanadka 2021-ka.

Sheekh Shariif ayaa soo saaray qoraal uu kaga hadlaayay la kulanka Madaxweyne Geelle waxaana uu u qornaa siddaan:

Waxaan soo gaarnay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti, iyada oo aan kulan gaar ah la qaadannay Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo uu wehliyo safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Amb Aadan Xasan Aadan.

Waxaa kulanka igu wehliyay Xoghayaha arrimaha dibadda Himilo Qaran Senator Ilyaas Cali Xasan iyo Danjire Cabdirisaaq Shoolle oo kamid ah xubnaha sare ee Xisbiga.

Waxaan ka wada hadalnay xaaladihii ugu dambeeyey ee dalka innaga oo warbixinna ka siinnay aragtida Himilo Qaran ee dhismaha dowladnimada iyo doorashada la filayo 2020/2021.

Dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti madax iyo shacab waxaan uga mahad celinaynaa markasta doorkooda muuqda ee dib u dhiskii dowladnimadii naga burburtay.