GUULEED oo shaaca ka qaaday mowqifkiisa ku aadan sharciga cusub ee doorashooyinka dalka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug iyo wasiirkii arimaha gudaha dowladda Soomaaliya, haatana lagu wado inuu noqdo mid ka mid ah musharaxiinta ugu cad-cad ee u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya ee sanadka 2020/21 Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa soo saaray war-saxaafadeed uu uga hadlayo sharciga doorashooyinka Qaranka oo maanta loo qeybiyey xildhibaanada golaha shacabka.

Cabdikariin Guuleed ayaa guddiga soo diyaariyey sharcigaas ku amaanay wax ka bedel loo baahnaa oo uu sheegay inay ku sameeyeen qodobada qaar, isagoo sheegay inay jiraan dhaliilo kale oo uu wali sharcigaas ka qabo.

Halkaan Hoose ka akhriso qoraalka Mr. Guuleed oo dhameys tiran:

QABYO QORAALKA SHARCIGA DOORASHOOYINKA.
Waxaan si guud u soo dhaweynayaa qabyo qoraalka wax ka badalka sharciga doorashooyinka ee gudiga baarlamaanku uu maanta u qeybiyay xubnaha golaha shacabka.
Haddaba anigoo marka hore ku amaanaya gudiga sharafta leh dadaalka weyn ee ay ku bixiyeen inay sharciga si guud u soo waafajiyaan dastuurka ku meel gaarka ee dalka u yaala iyo wadatashiga balaaran ee ay sameeyeen intaba, haddana waxaa jira arimo dhawr ah oo aan qabyo qoraalka ka qabo sida:
1. In kasto aynu ognahay in sharcigu uu yahay mid guud (Universal) oo aan sanad doorasheed gaar ah khuseynin, haddana waxay aheyd in gudiga ay wax ka soo yiraahdaan suurta galnimada in sharcigaan doorasho loogu gali karo sanadka 2020, maadaama uu shaki weyn ka jiro suurta galnimada qabsoomidda doorasho qof iyo codkiisa, sababaha soo socda awgeed:
A. Xaaladda amaan dari ee dalka ka taagan, taaso keenaysa in qeybo badan oo dalka ka mid ah aysan ka qabsoomi karin doorasho qof iyo codkiis ah.
B. Waqtigii doorashada golayaalka sharci dajinta ee baarlamaanka oo ay ka harsan tahay in ka yar hal sano.
T. Sharcigii Soomaalinada (Citizenship law) oon weli shaqadiisa aan la bilaabin waqti iyo dood siyaasadeed badannna u baahan.
J. Tirintii iyo tirakoobkii cod bixiyayaalka oo aan la heynin iyo ayadoo ay muuqato in mudada gaaban ee dhiman laga gaarin arinkaas.
X. Heshiis iyo isfaham la,aanta siyaasadeed ee dowladda dhexe iyo dowlad gobaleedyada gacanta ku haya goobaha doorashadaas ay ka dhici laheyd.
Kh. Uradada siyaasadeed ee curdinka ah ee Dalka ka hana qaaday oo aan weli gaarin xaaladihii ay uga bixi lahaayeen ururninada uguna gudbi lahaayeen heer loo aqoonsan karo Xisbi siyaasadeen, iyadoo ay weliba sii dheertahay inaysan soo muuqanin ififaalo muujinaya in ay shuruudaha ku xeeran Xisbinimada ee ay ku soo buuxin karaan mudada ka dhiman xili Doorashada Dalka ee 2020.
2. Waxaa ka muuqda sharciga dulduleelo sharci oo dhiiragalin kara, horseedina kara muddo kororsi Hay’adaha dastuuriga ah ee haatan jira, arinkaas oo khatar siyaasadeed iyo amniba galin karta dalka, dib u dhac weynna ku keeni karta.
Gabagabadii waxaan is leeyahay in sharcigu uu oga baahan yahay xildhibaanada sharafta leh dood iyo falanqeyn weyn, si loo helo hanaan sharci doorasho oo xaaladaha haatan jirana looga gidbo, mistaqbalkana la jaanqaadi kara.