Aqriso: BF oo loo gudbiyey sharci doorasho oo ka duwan midkii ay rabtay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ay maanta wadajir u yeesheen labada Aqal ee Baarlamanka oo ahaa shirkoodii saddexaaad ayaa lagu qeybiyey Sharciga Doorashada ee ay soo diyaariyeen Guddi uu sameeyay Guddoonka Baarlamaanka, kaasoo ka duwan sharcigii hore ee Golaha Wasiirada ansixiyeen, kana yimid Madaxtooyada Soomaaliya.

Sharcigan cusub ayaa ka bedelay kii Golaha Wasiirada iyo Madaxtooyada ee loo gudbiyey Baarlamaanka, waxaana isbedel ku sameeyay Guddiga baarlamaanka oo tegay dhammaan maamul Goboleedyada dalka, isla markaana la-tashiyo la sameeay xisbiyada siyaasadda iyo qeybaha Bulshada.

Kulanka wadajirka ee labada Aqal ee Baarlamanka wuxuu ku furmay 186 Mudane, iyadoo ajenduhu uu ahaa: Habraaca Ansixinta Dib u eegista Dastuurka Kumeelgaarka, kadibna waxaa la qeybiyey Xeerka Doorashada oo si weyn ay uga horjeedo Madaxtooyada Soomaaliya.

Warbixinta oo ka koobneyd lix bog ayaa waxaa ku lifaaqneyd sharciga doorashooyinka oo loo qeybiyay Xildhibaanada, iyadoo lagu sameeyay wax ka bedel badan qaabkii ay Xukuumadda u soo diyaarisay ee aan waafaqsaneyn Dastuurka.

Sidoo kale warbixinta Guddiga ayaa waxaa ku jirtay la tashiyo uu ka soo sameeyay dowlad goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana dhammaan warbixinta ku cadaa natiijada kulamada Guddiga soo waday ee la xiriiray la tashiyada sharcigan.

Qodobada Guddiga wax ka bedelka ku sameeyay ayaa ahaa inuu meesha ka saaray hannaanka doorashada ee nidaamka Metelaada isu dheeli tiran ee Liiska xiran (Proportional representation closed list), kaasoo ahaa mid dhaliyay doodo kala duwan, gaar ahaan sida la isku waafajin karo awood qeybsiga 4.5.

Sidoo kale Guddiga ayaa qaatay Nidaamka Aqlabiyada badan (Majoritarian System) kuna salaysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”) ama habka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) oo lagu kala baxo codka haldheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka.

Nidaamkan cusub ayaa laga hor akhriyay Golaha inkastoo aan laga doodin oo wali howshiisa ay socoto, waxaana xildhibaanada lagu wargeliyey inay laba cisho isha soo mariyaan si sharcigaan looga doodo.

Guddoonka labada aqal ayaa u midoobay inay ka hortagaan sharciga Doorashada ee ay wadato Madaxtooyada, waxaana la xaqiijiyey in Madaxweyne Farmaajo aanu raali ka ahayn sida ay u socoto shaqada labada Aqal xilligan.

Halkaan hoose ka akhriso Qoraalka Guddiga oo dhameystiran