Somaliland oo ka hor timid digniin ka timid dowladda Britain

Hargeysa (Caasimada Online) Kaddib markii shaley xafiiska arrimaha dibadda ee dalka Britain uu ka digaya khatar reer galbeedka kaga soo fool leh Somaliland, ayaa arrintaas waxa ka hadlay maamulka Somaliland.

Shir jaraa’id oo uu xaley ku qabtay goor dambe magaalada hargeysa wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdulaahi Cumar, ayuu ku sheegay in digniintaas aysan la qabin dowladda Britain oo deegannada ay maamulaan uu ammaankooda yahay mid la isku haleen karo.

Wuxuu yiri “Waxa dowladda Somaliland soo gaaray fariin ka timid dowladda Ingiriiska oo muujineysa dareen nabad galyada iyo arrimaha guud ee argagixisada, waxana shacabka reer Somaliland iyo ajinabiga kale ee dalka ku nool iyo beesha caalamka u sheegeynaa in xukuumada Somaliland aysan heeyinin wax mushkilad ah ama dareen ah oo cabsi ah oo la xiriirta nabadgalyada dalkan”

Wuu sii hadlay “ Nabadgalyada dalka Somaliland waa mid sugan, waa mid ku jirta gacanta ciidamada iyo hey’addaha nabadgalyada dalka,waxan u sheegeynaa in kalsooni buuxda aan ku qabno haddaanu nahay jamhuuriyada Somaliland nabadgalyada xadadkeeda iyo gudaheeda, dareen oo aan ka duwaneen nabadgalyi darida mandiqada Ingiriiska ka soop gaareyna waanu baareynaa”ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Somaliland.

Si kastaba dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay uu jiro khatar cusub oo ku wajahan dadka reer galbeedka ee jooga Somaliland.
Xafiiska arrimaha dibadda iyo Barwaaqa-sooranka waxaa uu horeyba ugu taliyay inaan wax socdaal ah lagu tegin Soomaaliya oo dhan, oo ay ku jirto, Somaliland waxaana lagula talinayaa dhammaan dadka muwaadiniinta British-ka ah inay ka baxaan.

Warku waxaa uu sheegay inay jirto khatar gaar ah oo la ogyahay inay ku wajahan tahay dadka reer galbeedka ee jooga somaliland, waxaana lagu boorrinayaa qofkii muwaadin british ah oo halkaas jooga oo taladeenna aan raacin inuu dhaqso uga baxo.

Khatarta laga digayo waxaa ka mid ah: Afduub lagu doonayo faa’iido dhaqaale ama siyaasadeed ama ay keentay dembiilenimo ama argagixisanimo, taas oo ka jirta soomaaliya oo dhan.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Hargeysa