Somaliland oo ka hor-timid mashruuca Mareykanka iyo DF ay ku dhowaaqeen

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ayaa gebi ahaanba ka hor-timid Mashruuc ay waday dowladda Soomaaliya oo ay qeyb ka tahay dowladda Mareykanku, kaasi oo Isniintii lagu daah-furay magaalada Muqdisho.

Somaliland ayaa ka soo horjeesatay Mashruuca horumarinta dhalinyarada Soomaaliyeed oo uu magaalada Muqdisho ka daah-furay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, iyo safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto oo dowladdiisa ay maal-gelineyso.

Waxaana Mashruucaasi lagu horumarinayo dhalinyarada ka faa’iideysatay dhalinyaro ka soo jeeda deegaanada Somaliland, gaar ahaan magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Burco, waxaana ku kacaysa mashruucaasi lacag dhan 1.6-Milyan oo dollar.

Xasan Maxamed Cali ‘Gaafaadhi’, Wasiirka qorsheynta Somaliland oo Mashruucaasi ka hadlay ayaa sheegay inaysan suurtagal aheyn in deegaanada Somaliland laga fuliyo Mashruuc ay waddo Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Gaafaadhi ayaa gebi ahaanba ganafka ku dhuftay in dhalinyaradaasi reer Somaliland ay dib ugula soo noqdaan deegaanadoodi Mashruucaasi horumarineed ee loo soo mariyay dowladda Soomaaliya.

Mana aha markii u horeysay ee Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ay ka hortimaado Mashruuc horumarineed oo ay qeyb ka tahay dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana laga fulinayo deegaanadeeda.

Somaliland ayaa iyadu inta badan ku dooda inay tahay dal madax banaan oo aan hoostagin Dowladda federaalka Soomaaliya, inkasta oo ay Beesha Caalamkuna ay ula dhaqanto sidii maamul ka tirsan Soomaaliya.