Ilhan Omar oo ka hortimid qorshaha Trump ee B/Dhexe

Washington (Caasimada Online) – Ilhaan Cumar oo ka tirsan Kongareeska Mareykanka ayaa si weyn uga hortimid qorshaha nabadda bariga dhexe ee uu soo bandhigay madaxweynaha dalkaasi, Donald Trump.

Qoraal ay Ilhaan soo dhigtay barta fariimaha gaagaaban ee Twitter-ka ayey qorshaha la sugayey ee Trump ku tilmaamay mid dhac ah oo aan aheyn mid nabadeed.

Sidoo kale waxa ay shaacisay in weli lagu dhegan yahay isaga iyo ra’iisul wasaaraha Israa’iil, islamarkaana qorshahaan uu yahay mid ceeb iyo khiyaano ah.

“Intii lagu sameyn lahaa soo jeedin xil ka qaadis ah oo la dacweyn lahaa labadan hogaamiye ee lagu dhagan yahay inay gaaraan qorshe nabadeed, waana arrin ceeb iyo khiyaano ah” ayay tiri Ilhaan Cumar oo qoraal soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Ilhaan Cumar oo hadalkeeda sii wadata ayaa sidoo kale carabka ku dhufatay in qorshaha madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump soo bandhigay uu yahay mid aan loo dhameyn, islamarkaana aan laga qeyb-gelinin dhinacyadii ay quseysay arrintaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo Trump qorshahaani uu ku dhawaaqay, xilli uu garab taagnaa ra’iisul wasaare Netanyahu, sidoo kalena sheegay in qorshiihiisa bariga dhexe ay fursadii ugu dambeysay ka heli karaan Falastiiniyiinta.