Somaliland oo ka horitimid talaabo ay qaaday DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa ka horimaaday tirakoobkii ay DF Somalia laba maalin ka hor shaacisay oo qeyb ka ahaa Deegaano hoostaga Maamulkaasi.

Wasiirka wasaarada Qorsheynta Maamulka Somaliland Dr Saacid Cali Shire, ayaa sheegay in DF Somalia aysan xaq u laheyn inay xisaabta ku darsato dadka ku nool Deegaanada hoostaga Maamulka.

Waxa uu sheegay in talaabooyinka ay DF qaadeyso inay marka hore kala soo xiriiraan Maamulka si loogu fududeeyo, balse ku dhawaaqista tirakoobkii ay shaacishay uu qalad ku yahay DF, sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu Tilmaamay in xili hore tirakoob gaar ah la sameeyen DF iyo Maamulka Puntland, balse tirakoobkaani uu yahay mid aan khuseyn oo ay ka madax-banaanyihiin waxa uuna carabka ku dhuftay in Somalia ay bari hore ka go’een.

Dhanka kale, maamulka Somaliland waxa ay DF Somalia ugu baaqday inay joojiso baalmarka qodobadii ay horay u kala saxiixden, si loo dhooro nidaamka ku qotoma wada-hadalkii kala dhexeeyay DF Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com