Somaliland oo walaac ka muujisay xiriirka DFS!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka la magac baxay Somaliland ee sheegtay inay ka go’een Jamhuuriyadda Somalia ayaa waxa uu dadaal ugu jiraa sidii loo soo nooleyn lahaa Wada-xaajoodka hakadka galay ee ay lala lahaayeen DFS.

Wasiirka Maamulka Somaliland ugu qaabilsan Arrimaha dibedda, Mohamed Biixi Yoonis oo u waramay Wakaalladda Wararka ee Reuters ayaa sheegay inay ka codsanayaan Ururka Midowga Europe iyo Dowladaha Britain iyo Norway inay dhexdhexaadin ka galaan Wada-hadalkii DF Somalia iyo Maamulka Somaliland.

Nuqul kamid ah warkiisa ayaa waxaa kamid ahaa “Markii ugu horreysay ee aynu wada hadalka bilownay, waxaan haysanay Norway, Britain iyo EU-da, Sidaa darteed, waxaan ka codsanaynaa Dowladahaasi inay mar kale soo galaan, iyo inay arkaan sida ay iyaga wax u dhexdhexaadin”

Waxa uu rajo ka muujiyey inay Wada-xaajoodka DFS iyo Somaliland dib u bilaaban doonaan bilaha soo socda.

Dhinaca kale, Dhowr kulan oo ay labada dhinac ku yeesheen dalka Turkiga ayaa waxa uu ugu dambeyntii noqday mid lagu kala tegay, kadib, markii ay labada dhinac isku fahmi waayeen qoddobo muhiim u ah Midnimadda Somalia.

Maamulka Somaliland oo sannadkii 1991-kii sheegtay inay ka go’een qeybaha kale ee dalka Somalia ayaa waxay ku caano maalaan nabad, balse ma jiro Dowlad aqoonsatay Somaliland.

Isha Reuters

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com