JAWARAI oo ammaan kala dul dhacay ETHIOPIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Max’ed Sheikh Cusmaan Jawaari, ayaa sheegay in DF Somalia ay rajo wanaagsan ka muujineysa in xiriirka kala dhexeeya Ethiopia uu wax badan ka bedelo amaanka dalka.

Jawaari waxa uu sheegay adkeynta iyo iskaashi wanaagsan oo dhexmara Somalia iyo Ethiopia ay meesha ka saareyso amni darida ka jirta gayiga Somalia, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday inuu kalsooni ku qabo in horumar dhanka amaanka ah laga gaari doono dadaaladaasi

Sidoo kale, Jawaaria ayaa tilmaamay in iskaashiga Somalia iyo Ethiopia horseedi karo in nabad iyo xasilooni laga dareemo guud ahaan gobolka, wuxuuna carabka ku adkeeyay in fadhi aysan waxba ku imaaneyn loona baahan yahay dadaal fara badan oo la bixiyo.

Waxa uu wax lala yaabo ku tilmaamay in ilaa iyo iminka ka shaqsi ahaan uusan garankarin waxa la isku diririyo,isagoona cadeeyay in hadii iskaashi buuxa uu dhexmaro Dowladaha Somalia iyo Ethiopia wax badan ay ka badali karaan amniga gobolka.

Hadalkaani ayaa waxa uu Jawaari ka cadeeyay xili uu Khudbad ka jeedinaayay Munaasabad ka dhacday Magaalada Muqdisho oo lagu xusayay 24-sano guuradii ka soo wareegatay markii xilka laga riday Magiste Hailamariam oo ka talinayay dalka Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com