“Dowladda XASAN suuq lagu iibsado ergooyinka ayay shirka Cadaado ka furtay” Sidaa waxaa yiri.

Muqdisho (Caasimada Online) – C/llahi Salaad oo kamid ah Odayaasha ka qeybgalaaya shirka Cadaado ayaa sheegay in DF Somalia ay shirka cadaado marba dhinac u rogeyso waxa uuna meesha ka saaray in wadada uu shirka ku socdo ay tahay mid ay ku heshiin karaan Beelaha halkaasi wadadega.

Waxa uu sheegay in Shirka Cadaado uu isku bedelay mid lagu kala sooco beelaha qeybta ka ah shirka waxa uuna tilmaamay in Ergooyinka qaar ay qaadanayaan dhaqaale ay DF usoo marsiineyso Xubnaha Villa Somalia ka jooga shirka.

‘’Waxaa madasha ka taagan arrin aan suuragalin Karin dhismaha maamuulka dowlada iyada ayaa fashilin doonta shirka oo gabagabo maraayo, waxa ay madasha ka dhigtay goobo lagu kala iibsado Ergooyinka. Waxaan u aragnaa in shirka uu yahay mid lagu cuuryaaminaayo bulshada G/Dhexe’’

Waxa uu tilmaamay inuu indhihiisa ku arkay Ergooyin lagu raali galinaayo dhaqaale iyo kuwo siyaabo kala duwan u qaadanaayo laaluush, sida uu hadalka u dhigay.

DF Somalia ayuu ugu baaqay inay shirka ka joojiso faragalinta iyo hoos iska taabadka, waxa uuna ku booriyay in madasha laga dhigo mid ay u siman yihiin Ergooyinka.

Geesta kale, waxa uu walaac ka muujiyay sida uu noqon doonto miro dhalka shirka, waxa uuna meesha ka saaray in shirka uu kusoo idlaado guul.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com