Somaliland oo ka laabatay tallaabo ay ku deg-degtay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo madaxweyne Muuse Biixi ayaa dib uga laabatay go’aan hore ugula wareegtay gaadiid ay kusoo qabatay qaad/jaad, maadama xiligaasi ay deegaanadeeda ka mamnuucday.

Maxkamadda racfaanka ee gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta dib ugu celisay dadkii lahaa gaadiidkaasi, iyadoona dul dhigtay ganaax lacageed oo gaaraya labo ilaa afar milyan oo shilinka Somaliland ah.

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxa ay saaka xukuno kala duwan ku riday dadkii lagu soo qab-qabtay qaadkaasi, mudadii ay xukuumada Somaliland ka mamnuucday deegaanadeeda keenista qaadka.

Dadkaasi lagu soo qab-qabtay qaadka ayey maxkamadu ku xukuntay 1-sano iyo dhowr bilood oo xarig ah, maadama ay jabiyeen awaamiirtii guddiga ka hortaga iyo u diyaar-garowga cudurka Covid-19 ee Somaliland.

Xukunka ay maanta riday maxkamadda rafcaanku ayaa laalaya xukun ay hore maxkamada gobolka Maroodi-jeex ugula wareegtay gaadiidkaasi, iyada oo dhawaana lagu buufiyay astaanta ciidanka.

Talaabada ay hore ugula wareegen ciidamadu gaadiidkaasi, ayey qareenada reer Somaliland ku tilmaamen mid lagu deg-degay, isla markaana aan si fiican looga fiirsanin.