Afar maalmood kadib oo war laga helay safarka uu R/W Kheyre ku joogo Qatar

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa afar maalmood kadib markii ugu horreysay maanta ka warbixiyey safarka uu ku joogo magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha, oo Qatar tegay 26-kii June, ayaa tan iyo markaas aan wax war ah laga helin socdaalkiisa, hase yeeshee qoraal maanta kasoo baxay xafiiskiisa ayaa looga warbixiyey kulamadii ugu dambeeyey ee uu Kheyre halkaas ku qaato.

Sida lagu sheegay qoraalka , Ra’iisul Wasaaraha, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka, ahna wasiirka arrimadda dibadda Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani.

Xafiiska Kheyre, Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaaraha iyo mudane Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee labada dowladood, iskaashiga dhaqaalaha iyo aminga.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in ujeedka safarka Kheyre uu yahay sidii uu Kheyre dowladda Qatar uga codsan lahaa inay dib u billowdo taageero dhaqaale oo ay siin jirtay dowladda oo hakad uu ku yimid markii la magacaabay Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Qatar Khalid bin Khalifa bin Abdulaziz Al Thani, 28-kii Janaayo.

Qatar ayaa saaxiib dhow la ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo, hase yeeshee taageerada Qatar ee Soomaaliya ayaa ah mid aad u kooban oo aan muuqan, marka loo barbar dhigo Turkiga oo ah dalka ugu weyn ee taageera Soomaaliya.