Cudur kale oo ka dillaacay Shiinaha oo laga cabsi qabo inuu adduunka ku faafo

Beijing (Caasimada Online) – Digniin hor leh ayaa kasoo baxday seynisyahanada dalka Shiinaha, kadib markii ay ogaadeen in dalkaasi uu ka dilaacay xanuunka feyrus cusub oo ka dhasha xayawaanka Doofaarka.

Seynisyahanada ayaa waxay sheegeen in cudurkaan cusub uu la mid noqon karo feyruska safmarka ah ee hadda dunida dhibaatadiisa ka taagan ee COVID-19 oo dunida ku dilay dad gaaraya 500 kun oo qof.

Feyruskaan cusub oo laga helay doofaarada ayaa waxay dhaqaatiirtu sheegeen in hadda aysan jirin qatar weyn, balse ay taagan tahay cabsidiisa, loona baahan yahay in muhiimad gaar ah la geliyo sidii looga feejignaan lahaa halistiisa, waxayse ka welwelsan yihiin inuu si fudud ku faafi karo hadii la is dhigto.

Seynisyahanada ayaa ugu baaqay shirkaddaha soo saara hilibka doofaarka inay muujiyaan taxadir, shaqaalahooduna lala socdo xaaladaha ay ku sugan yihiin.

Prof James Wood oo ka tirsan jaamacadda Cambridge iyo Prof. Kin-Chow Chang oo ka tirsan jaamacadda Nottingham ee dalka Britain ayaa si wada jir ah u sheegeen in tani ay tahay fariin hor leh, loona baahan yahay in indhaha lagu haayo halista ka imaan karta feyruskaan cusub.

Feyruskaan cusub ayaa baaris lagu sameeyay waxay seynisyahanadu sheegeen inuu la mid yahay xanuunkii safmarka ahaa ee  Swine flu oo adduunka ka dilaacay sannadkii 2009-kii, kaasoo ka bilawday dalka Mexico.

Cudurka Feyruska COVID19 ayaa ah mid asalkiisa ka yimid dalka Shiinaha, dunida oo idilna u gudbay kaasoo galaaftay 500 kun qof.