Faysal Cali Waraabe oo ka jawaabay xasaanadii laga qaaday iyo dacwadii cusleyd

Hargeysa (Caasimada Online) – Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid ayaa goordhoweyd ka jawaabay eedeymo culus oo ay maanta u jeediyen guddiga joogtada ah ee Golaha wakiillada Somaliland.

Guddiga ayaa sidoo kale maanta xasaanadii ka xayuubiyey guddoomiye Faysal, maadama ay gebi ahaanba ay guddoomiyaha kala laabteen kalsoonidii.

Faysal Cali Waraabe ayaa eedeymahaasi ku tilmaamay waxba kama jiraan, isagoona ku dooday inuusan jabin qodob dastuuri ah, sida ay saaka sheegen guddigaasi joogtada ah.

Faysal Cali oo warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa ayaa sheegay inuu madaxweynaha Somaliland la xiriiray kadib markii ay saaka eedeymahaasi usoo jeediyeen guddigaasi, uuna u balan qaaday inuu kala qeyb qaadan doona jiritaankooda.

Guddoomiye Faysal ayaa xildhibaanada xanaasada ka xayuubiyay ku tilmaamay kuwo raadinaya wado ay ku sameystaan muddo kororsi aan sharci aheyn, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Guddiga joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland, ayaa saaka war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay inay gebi ahaanba kalsoonidii kala laabteen guddoomiye Faysal, iyagoona ka dalbaday guddiga diiwaan-gelinta xisbiyada inay si rasmi ah uga qaadan xasaanada.

Caasimada Online ayaa ogaatay in xasaanad ka qaadista iyo eedeymaha uu wajahayo guddoomiye Faysal ay ka dambeeyan xiisad hoose oo muddooyinkii dambe kala dhaxeysa guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland oo uu dhowr jeer u geystay weerar afka ah.

Faysal Cali ayaa inta badan warbaahinta mariya hadalo aan loo meel-dayin, kuwaasi oo madaxda Somaliland qaarkood ay rumeysan-yihiin inay abuuri karaan khatar amni iyo tafaraaruqa bulshada reer Somaliland.