Somaliland oo kala cadeysay haddii dekedda Zaylac ay ku wareejinayso ETHIOPIA

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa markii u horeysay si rasmi ah uga hadashay hadal hayn badan oo ka dhalatay safarkii madaxweyne Muuse Biixi ee dalka Itoobiya, kaasi oo la xiriiray dekedda Zaylac.

Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya aysan ka wada-hadlin arrimo la xiriira dekedda Zaylac, oo muddooyinkii dambe la isla dhex-marayay in lagu wareejinayo Itoobiya.

“Waa arrin aan sal iyo raad toona laheyn, arrintaas wax aan ka wada-hadalnay ma jirto oo waa waxba kama jiraan arrinta Zaylac. Labada dhinac waxay ka wada-hadleen danaha labada dal,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in Itoobiya ay dooneyso in ay xoojiso xiriirka Somaliland, ayna ka wada-hadleen labada dhinac, Ganacsiga, Nabad-gelyada, Dhaqaalaha, Isticmaalka dekedda Berbera iyo isku dheeli-tirka ganacsi ee Somaliland iyo Itoobiya.

Waxa uu intaas kusii daray “Itoobiya waxay siisa ardaydeena Schoolrship fara badan, taasna waxaa ka wada-hadalnay in lasii kordhiyo oo lasii joogteeyo.”

Arbacada toddobaadkii hore unbey aheyd markii ay kulan yeeshen Muuse Biixi Cabdi oo booqasho ku tagay Itoobiya iyo Ra’iisul wasaaraha dalkaasi, Abiy Axmed oo isagu u fidiyey casuumaadda uu ku tegay Addis Ababa.

Si kastaba, Xukuumadda Itoobiya ayaa xiligan sii xoojinaysa xiriirka ay la leedahay Somaliland oo ku dooda inay tahay dal madax-banaan, ayada oo afartii sano ee la soo dhaafay ay saaxiibo isu dhow ahaayeen Abiy Axmed iyo Farmaajo