Sawirro: Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed oo ka dagay magaalada Jigjiga + Ujeedka

Jigjiga (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya, Abiy Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa barqanimadii maanta gaaray gudaha magaalada Jigjiga ree xarunta dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, halkaas oo si ballaaran loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxumad Cagjar ayaa Abiy Axmed iyo mas’uuliyiinta kale ee la socota uga hortegay garoonka Jigjiga, kadibna waxaa loo sii galbiyey xarunta madaxtooyada ee is-maamulka, halkaas oo ay ku qaateen kulan gaar ah.

Ujeedka safarka ra’iisul wasaaraha wadanka Itoobiya ee Jigjiga la xiriira wax ka qabashada xaaladaha abaaraha ee ka jira dhulka dowlad deegaanka Soomaalida.

Abiy, Cajgar iyo madaxda kale ee qaybta ka ah socdaalkan ayaa sidoo kale kormeeri doono deegaanada qaar ee ay sida daran u saameeyeen abaaraha ka jira halkaasi.

Sidoo kale waxaa la filayaa inta uu ra’iisul wasaaraha Itoobiya joogo Jigjiga inuu kulamo ka bilaabay magaaladaasi oo looga hadlay xaaladda guud ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Booqashada Abiy Axmed ee Jigjiga ayaa daba socota baaq uu dhowaan dowladda u diray madaxweyne Mustafe Cagjar, kaas oo la xiriira in dowladda ay gacan ka siiyo abaaraha.

Gobollo badan oo hoostaga is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa waxaa muddooyinkii u dambeeyey laga soo warinayey xaalado nololeed, kadib markii ay saameysay abaartu.