SOMALILAND oo mar kale go’aan ka soo saartay qaxootiga SOOMAALIDA ee ka imanaya YEMEN

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa mar kale go’aan ka soo saaray diidmadii ay ka muujiyeen Qaxootiga kasoo cararay dagaalada ka taagan dalka Yemen.

Ku dhawaad 210 qaxooti isugu jira Somali iyo Yamaniin oo dhowr saac ku dhex jiray Badda kadib markii loo diiday in dib u dajin ay siiso Somaliland ayaa Khilaaf ka dhex curtay Madaxdaa maamulka ay sababtay in qaxootigaasi dib loogu ogolaado in dib u dajin lasiiyo.

Go’aankii ugu danbeeyay ee kasoo baxa Maamulka ayaa waxaa lagu qeexay in qaxootiga kasoo carara dagaalada ka jira dalka Yemen ay degnaansho u fidineyso Somaliland oo horay uga soo horjeesatay.

Go’aankaani ayaa waxaa ka carooday DF Somalia oo iyadu kamid aheyd gurmad fidiyayaasha ka qeyb qaadanaayay soo daabulida qaxootiga Soomaalida iyo kuwa Yamaniinta ah, halka Maamulka Somaliland ay iyaduna siyaasadeysay arrinta qaxootiga.

Dhawaan ayay aheyd markii Maamulka Somaliland ay shaacisay in deegaanadooda aysan kasoo dagi karin qaxootiga Soomaalida iyo Yemeniyiinta isugu jira ee kasoo cararaya colaadaha wadanka Yemen.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com