DF SOMALIA oo jawaab Kulul siisay Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa jawaab adag ka bixisay wararka sheegaya in maamulka Somaliland uu dad Soomaali ah oo kasoo cararay dalka Yemen u diiday iney kasoo dagaan dekada magaalada Berbera  ee maamulka waqooyi ee Somaliland.

Wasiirka arimaha dibada Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar, oo la hadlay VOA ayaa si kulul kaga hadlay arintaasi, isagoo ku sugan dalka isku taga imaaraadka carabta gaar ahaan magaalada Dubia.

Wasiirka wuxuu arin aad u fool xun ku tilmaamay in dad Soomaali ah ay u diidaan maamulka Somaliland kasoo dagitaanka degmada Berbera sida uu sheegay, isagoo cadeeyay inay taasi ku tilmaamay iney tahay mid aysan fahmi kar.

“Taasi aniga waxaan fahmi kara maaha, waxay dowlada dhexe fahmi karta maaha, wax la wada fahmi karana maaha, sababtoo dadku waa Soomaali kasoo cararay wadan walaalaheena ah oo dhibaato ay ka taagan tahay, marka ma aqaan ujeedada loogu diiday iney Berbera tagaan”ayuu yiri wasiir hadliye.

Wuxuu sidoo kale sheegay in wadamada caalamka ee Islmaamka ah iyo kuwa aan aheynba ay magangalyo siiyeen dadka Soomaaliya, laakiin aysan fileyn in arintaasi oo kale ka dhacdo magaalada Berbera.

“Eeg Soomaali muslim iyo gaalaba magangalyo ayay siiyeen, Asia ina siisay, Africa ina siisay carabta sidoo kale, Yurub baa ina siisay, aniga iyo caruurteyda ayaa magangalyo la siiyay”ayuu hadalkiisa kusii daray wasiir hadliye.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com