Xubinimada xildhibaanada Koonfur Galbeed oo 3 gobol loo kala qeybiyey & tirada oo la shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in kulan halkaasi ka dhacay lagu shaaciyay tirada Xildhibaanada maamulka Koonfur galbeed iyo sida sadaxda gobol loogu qaybiyay.

Tirada guud ee xildhibaanada Koonfur galbeed ayaa lagu sheegay 95 xildhibaan, gobolada Baay iyo Bakool waxaa la isku siiyay 59 xubnood, halka gobolka Shabeelada Hoose loo qoondeeyay 36 xubnood.

Wararku waxa ay intaa kusii darayaan in toban kamid ah tirada loo qoondeeyay Shabeelada Hoose Shariif Xasan uu qaybin doono.

Qeybintaani ayaa waxaa Khilaaf hordhac ah ka keenay Beelaha iyo gobolada qaar oo iyagu saluugay tirooyinka kusoo aaday.

Geesta kale, waxaan la sheegin sida 59-ka xubnood u kala leeyihiin labada gobol ee Baay iyo Bakool.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com