Mungaab oo si geesinimo ah uga hadlay gobolka Banaadir xuquuqda ka maqan iyo maqaamkiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu muran xoogan ka taagan yahay maqaamka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Xassan Maxamed Xuseen Muungaab.

Mungaab ayaa sheegay in Maamulkiisa uu codsanaayo in dadyowga ku nool Gobolka Banaadir loo sameeyo Maamul goboleed, waxa uuna sheegay in arrinkaasi mas’uuliyada koowaad ay ka saaran tahay dadka ku nool Gobolka.

Waxa uu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir ay u ololeynayaan sidii Muqdisho ay u heli laheyd xuquuqdeeda, iyada oo Dastuurka dhigayo in Caasimada ay yeelaneyso Maqaam gaar ah oo ay go’aan ka gaari doonaan Aqalka sare ee Baarlamaanka.

Nuqul kamid ah hadalka Mungaab ayaa waxaa kamid ahaa “iyada oo gobolka Banaadir uu yahay Maamul goboleed ayey haddana Caasimada noqon kartaa Muqdisho, waxaana laga qeybgalinayaa Dadka oo dhan, lakiin waa in Dadkaan ay sameystaan Maamul si la mid ah gobolada kale”

Hadalkaan ayaa waxa uu ka sheegay Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna caleema saarayay Malaaqa beelaha Xamar iyo Xamr-daye oo shalay lagu qabtay deegaanka Ceel Cadde ee duleedka Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com