Goorta la dooranayo madaxweynaha maamulka gobollada DHEXE oo shaaca laga qaaday (Aqri)!!

Muqdisho (Caasimada Online) – War kasoo baxay Guddiga Farsamada ee Maamul u sameynta Gobolda Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa lagu sheegay in shirka ka soconaya Magaalada Cadaado uu maraayo heer gabagabo.

Gudiga ayaa tibaaxay in wajiga Labaad ee Shirka uu si rasmi ah u furmaayo maalinta Sabtida ee fooda nagu soo heysa.

Xaliimo Cismaaciil Xaliimo yareey oo ah Gudoomiyaha Guddigaasi, ayaa warbaahinta u sheegtay in ay ku rajo weyn yihiin in 17-ka Bisha June la dooran doono Madaxweynihii uu yeelan lahaa Maamulka Gobolada dhexe loo sameynayo.

Waxa ay sheegtay in Gudiga uu ku dadaalaayo sidii meesha looga saari lahaa wax waliba oo keeni kara muran iyo isqabqabsi, waxa ayna amaanta qaabka ay wada shaqeynta u dhex mareyso gudiga iyo Ergooyinka.

Haddalka Xaliimo Cismaaciil Xaliimo yareey , ayaa imaanaya iyadoo Ergooyinka qaar ay cabasho ka muujinayaan qaabka uu u socdo shirka maamul u sameynta G/Dhexe ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com