Calanka iyo magaca maamulka Gobollada Dhexe iyo sida beelaha u qeybsadeen ergooyinka (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamo gaar gaar ah oo Magaalada Cadaado ku dhexmaray Gudiga Farsamada iyo Xubno ka tirsan DF Somalia oo halkaasi ku sugan ayaa waxaa lagu soo bandhigay Tirada ergada Beeluhu u kala heleen.

Kulanka ayaa waxaa lagu qeexay in sidoo kale shirka uu furmaayo Maalmaha soo socda waxaana socota Xaraynta Ergada Sida Wararka aan ku helayno.

Ergooyinka ayaa sidaan loo kala qaybsaday.

1-Duduble 35

2-Sacad 26

3-Cayr 26

4-Saruur 26

5-Saleebaan 26

6-Mareexaan 66.5

7-Murusade 52.5

8-Waceeysle 35

9-DIR 35

10-Sheekhaal 17

11-Beesha 5-aad 17

Isku darka guud ee Xisaabtaan waxeey noqotay 362 xubnood.

38-ka xubnood kale waxaa loo reebay Ahlusunah Wal Jameeca.
calnagobaladdhexe-111
Gudiga farsamada ayaa inta uu kulanka socday soo bandhigay fakir ah in Maamulka KMG ah loo baxsho Galmudug, iyadoona fadhiga kusoo bandhigay Calanka uu yeelan doono Maamulka.

Calanka loo sameeyay Maamulka ayaa waxaa kulanka ugu horeeyo la horgeyn doona Ergooyinka shirka.
Shirka oo xiligaani maraayo heer gabagabo ayaa waxaa hadana soo ifbaxaayo Khilaaf hoosad u dhexeeya DF iyo Ergooyinka qaar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com