Somaliland oo muddo kooban u qabatay in Puntland kaga laabato talaabo ay qaaday

Hargeysa (Caasimada Online) ― Saraakiil ka tirsan Ciidammada Somaliland oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa ka digay Cawaaqib-xumo ka dhalan karta talaabo ay qaaday Puntland.

Maamulka Puntland ayaa Kantaroolka laga galo magaalada Garoowe u soo wareejiyay xuduudka gobolka Sool, midaasi oo si weyn uga cadheysiisay Ciidamada Millateriga Somaliland.

Saraakiisha ayaa talaabadan Puntland ay kantaroolka ku soo wareejisay ku sheegay mid Puntland ay ku dooneyso dhul aanay laheyn, iyagoona xusay inay Somaliland marnaba ka yeeleyn in deegaanada Bixin ay Puntland ka bilowdo dhul-boob.

Saraakiishan ayaa sidoo kale waxay maamulka Puntland ku eedeyeen inay deeganadaasi ay ka wadaan xaalad Nabad-galyo daro, iyagoona uga hanjabay inay Puntland deegaanadaasi iskaga baxdo muddo saddex cisho gudahooda.

“Waar joojiya dhul boobka aad ka waddaan Bixin iyo Qol. Saddex cisho gudahood waa in halkaa lagaga waantoobaa, nabadgal-yadiina iyo naftiina ilaashada oo noo daaya Annaga” ayuu yiri mid kamid ah Saraakiishan maanta la hadlay warbaahinta.

Wuxuuna intaas kusii daray Sarkaalku “Haddaydaan joojin, tallaabada aanu ka qaadno waxaad arki doontaan Garoowe oo Bisaduhu ku dhex meeraan”.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com