25.7 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Taliyayaasha Booliska Gobolka Banaadir oo la dallacsiiyay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha Booliska Soomaaliyeed ayaa dallacsiiyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir iyo Taliyayaasha Saldhigyada Booliska Gobolka.

Taliyayaasha la dallacsiiyay ayaa lagu bogaadiyay howlkarnimadooda sida ay sheegeen saraakiisha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee munaasibaddaas lagu sugayay.

Saraakiisha Booliska SOomaaliya ayaa sheegau in Taliyaha Booliska uu soo jeedinta dallacsiinta u gudbiyay madaxda dalka islamarkaana sidaas ay madaxda ku aqbaleen sidaasna ku muteysteen in la dallacsiiyo.

Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Joon ayaa loo dallacsiiyay darajada Jannaraal sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Taliyayaasha Saldhigyada Booliska degmooyinka Gobolka Banaadir, ayaa laga wada dhigay Gaashaannallayaal.

Munaasibadda waxaa ka qeybgalay  Ra’isalwasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed,waxaana oo isaga oo ka hadlayay munaasibadda bogaadiyay howlaha saraakiisha la dallacsiiyay.

Hoos ka aqriso magacyada saraakiisha la dalacsiiyey.

Mahad Korow (Gaashaanle)

Axmed Qadar (Gaashaanle)

Taliye Mooshin (Gaashaanle)

Yuusuf Xundubey(Gaashaanle Dhexe)

Bashiir Durqun (Gaashaanle)

Farxaan Maxamuud (Gaashaanle)

Yaasin Nuur Khayre (Gaashaanle)

Moha Jeego (Gaashaanle Sare)

Jeneraal Saadaq. (Sareeye Guud).

Halkaan ka daawo Warkaaan oo muuqaal ah

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
[email protected]  
- Advertisement -

Read more

Local News