Somaliland oo ogolaatay arrin ay hore u joojisey oo ku saabsan Muqdisho

Hargeysa (Caasimada Online) ― Wararka ay helayso Caasimada Online, ayaa sheegaya in Somaliland dib u aqbashay Warqada Go-home oo ay hore u joojisey, taasi oo la goosan jiray marka la tagayo Magaalada Muqdisho.

Somaliland ayaa bishii April ee sanadkii hore joojisey in bilaa Baasaboor ay kaga dhoofan garoonkeeda Cigaal International dadyowga ku wajahan caasimada Soomaaliya ee Muqdisho.

Go’aankan ay Somaliland dib ugu aqbashay in Warqada Go-home ay jartaan dadweynaha u dhoofaya Muqdisho, ayaa loo sababeynaya in hoos u dhac weyn ku yimid garoonka diyaaradaha ee Cigaal International, mudadii ay joojiyen in bilaa Baasaboor lagaga dhoofo.

Ilaa iyo hadda, weli war rasmi ah kama soo bixin Xukuumada Somaliland, taasi oo ay ku shaacineyso inay aqbashay warqadaasi [Go-Home], balse waxa Caasimada Online u xaqiijiyey saraakiil katirsan madaarka Hargeysa in dib loo soo celiyay in bilaa Baasaboor loogu duuli karo magaalada Muqdisho.

Sikastaba, Somaliland ayaa lumisey dadyow badan oo ka dhoofi lahaa garoonkeeda diyaaradaha Hargeysa, mudadii ay joojisey in bilaa Baasaboor loogu duulo magalada Muqdisho, taasi oo kaliftay in dadka reer Somaliland ee aan haysan Baasaboorka ay ka dhoofan garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe, taasi oo sarre u qaaday suuqa duulimaadyada ee garoonka Garoowe.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com