Midowga Afrika oo amar iyo hanjabaad isugu daray militariga Sudan qabsaday

Khartoum (Caasimada Online) – War kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika ayaa looga dalbaday Golaha Milateriga Suudaan ee la wareegay talada dalkaasi inay muddo 15 maalmood ah dib ugu celiyaan xukunka xukuumad rayid ah.

Shir ay maanta isugu yimaadeen Golaha Nabadda iyo Amniga Midowga Afrika oo qaabilsan dalalka xasaradaha ka jiraan ayaa ka dalbaday milateriga Suudaan ee talada dalkaasi la wareegay inay muddo 15 maalmood ah xukunka ku wareejiyaan dowlad rayid ah.

Haddii ay Suudaan mudaddaasi xukunka ku celin weyso rayidka waxaa dalka Suudaan la joojin doonaa xubinnimada Midowga Afrika, iyadoo xeerka Midowga Afika uu qabo inaan la aqoonsan dowlad kasta oo inqilaab xukunka ku timaada.

Ururka xirfadlayaasha Suudaan oo horkacayay dibadbaxyada ka socda dalkaasi ayaa dadaal ugu jiraa sidii Suudaan ay uga dhalan laheyd dowlad rayid ah isla markaasna xukun militari aanan loo baahneyn.

Kumanaaan shacabka dalkaasi ayaa weli si wada dibadbaxyada, tan iyo xalay waxay ku sugnaayeen agagaarka saldhigga militariga ee Khartuum, waxay codsanayaan inay la sameeyo dowlad rayid ah.

“Dadku waxay ku dhawaaqayaan inay helaan xoriyad dhameystiran” ayuu yiri Amjed Fariid oo ah kamid ah dadka dibadbaxa dhigaya oo mar u la hadlayay BBC.

“Maamulka dalka kaalin kuma laha siyaasiyiinta oo kaliya ah iyo militariga, waxaa jiraa caqabadooyin dhowr ah oo ka dhashay 30-kii sanno ee lasoo dhaafay”

Caasimada Online
Xafiiska Khartoum
Caasimada@live.com