Safarkii la sheegay in Fahad uu ku tagayo Mareykanka ma wuxuu ahaa xeelad?

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa dhawaan u amba baxay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, halkaasoo uga qeyb galay shirka Miiska wareegsan ee ay soo qaban qaabiyeen Bankiga Adduunka iyo Hey’adda IMF.

Liiska wafdiga Ra’iisul Wasaaraha u raacayay Washington oo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa waxaa ka mid Wasiirada Maaliyadda, Qorsheynta, sii-hayaha Taliyaha NISA, La Taliyaha Amniga Madaxweyne Farmaajo iyo xubno kale.

Xubnaha qaar ee magacyadooda ku jira liiska ayaa la sheegay inay ahaayeen kuwo horay loogu dalbay dal ku galka Mareykanka.

Mas’uuliyiinta Liiskaas kasoo muuqday waxaa kamid ahaa kusimaha Taliyaha Hey’adda NISA Fahad Yaasiin, kaasoo shalay si lama filaan ah loogu arkay kulanka Baarlamaanka ee Su’aalaha lagu waydiinayo Madaxda Hey’adaha Amniga ee kala duwan XIlli uu Ra’isul wasaare Kheyre weli ku sugan yahay Washington.

Baaqashada uu Fahad Yaasiin ka  baaqday Safarka Washington ayaa waxaa kasoo baxayo warar kala duwan:

1) – Wararka qaar ayaa sheegayo in Dowladda Mareykanka ay Fahad Yaasiin u diiday dal ku galka Mareykanka iyadoo aan la ogeyn sababta loogu diiday.

2) – In Markii dambe Fahad laga reebay Liiska Madaxda Safarka Washington ku wehlineyso Ra’isul wasaare Kheyre liiskaasna uu ahaa mid horudhac ah oo aan aheyn kii kama dambeysta ah.

Hase yeeshee, waxaa sidoo kale suurta-gal ah in labadaba aysan jirin oo soo saarista liiska iyo safarka Fahad ee la sheegay inuu ku tagayo Mareykanka ay ahaayeen xeelad.

Waxaa muuqata in arrintan ay ahayd frsamo la doonayey inuusan Fahad kaga soo muuqan kulankii Baarlamaanka ee Sabtidii hore kaasoo kusoo dhammaaday Buuq kadib markii la isku qabtay in saxaafadda laga saaro iyo in kale.

Fahad ayaa kamid ah Siyaasiyiinta aan jecleyn inay kasoo muuqdaan Saxaafadda iyo in la helo muuqaalada iyagoo ka hadlayo Arrimaha Siyaasadda inkastoo aan la ogeyn sababta sidaas ku qasbeyso, maadaama uu ahaa suxufi caan ah oo cid kasta ay taqaan.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid