Puntland oo dekadaheeda ka mamnuucday dhoofinta iyo soo dajinta Hubka

Garowe (Caasimada Online)-Maamulka Puntland ayaa faafin rasmi ah kusoo saaray warqad horey loogu diray taliyaasha ciidamada kala duwan ee Puntland, oo lagu wargelinayay inay la socdaan in mamnuuc ah tahay ka ganacsiga Hubka.

Wasiirka wasaaradda amniga ee Puntland C/Samad Maxamed Gallan ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku mamnuucay soo dejinta, dhoofinta iyo ka Ganacsiga hubka noocyadiisa kala duwan.

Qoraalka wasaaradda amniga Puntland kasoo baxay ayaa lagu cadeeyay in gabi ahaanba dekadaha maamulkaasi laga mamnuucay in hubka laga soo dajiyo.

Saraakiisha ciidamada kala duwan ee Puntland ayaa lagu wargeliyay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u dhaqan geliyaan amarka kasoo baxay wasaaradda amniga ee Puntland.

Sidoo kale dadka hubeysan ayaa lagu amray inaysan geli karin Garoomada Diyaaradaha iyo dekadda Magalada Boosaaso,hayeeshee ay la geli karaan kaliya mas’uuliyiinta dowlad Goboleedka Puntland.

Sidoo kale waxaa gabi ahaanba la mamnuucaan in agabka ciidanka looga ganacsado deegaanada kala duwan ee Puntland.

Amarkaan ayaa waxaa la ogeysiiyey, Taliyeyaasha Ciidamada, Guddoomiyeyaasha Gobolada iyo degmooyinka Puntland, iyaga oo lagu amray inay fuliyaan Amarka kasoo baxay Wasiirka Amniga Puntland oo tixraacaya amar horay uga soo baxay Madaxaweyne Siciid Deni.

Caasimada Online
Xafiiska Puntland
Caasimada@live.com