Hal su’aal oo fashilineysa arrintii uu madaxweyne FARMAAJO ku faanay

Muqdisho (Caasimada Online) – Isagoo ka hadlayay Madaxweynaha Soomaaliya Munaasabad lagu qabtay degmada Wardhiigley ee Gobalka Banaadir ayuu sheegay in dowladiisa ay aad u jecelyihiin Shacabka Soomaaliyeed ayna ku taageereen horumarada ay ka sameysay Cadaaladda, Amniga, Aaminaadda iyo Eex la’aanta.

Arintaasi ayaa waxaa su’aal ka keenay shacabka Soomaaliyeed iyo dadka ka faalooda arimaha Siyaasadda waxayna intooda badan ku tilmaameen been iyo xishood la’aan maadaama uu ku soo aadiyay waqti uu daadanayay dhiigga dadka shacabka ayna dileen Ciidamada amniga Soomaaliya.

“Dowladeyda waxay dadka ku jeclaadeen Cadaaladda iyo Eex la’aanta” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, laakiin ma runbaa hadalka Madaxweynaha?

Labada sano ee uu talada haayo Madaxweynaha Soomaaliya magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay ugu yaraan 90 qof oo ah wadayaal mooto Bajaaj, halka Guud shacabka la dilay ay garaayaan wax ka badan 200 oo qof waana tirada dadka ay dileen Ciidamada amniga Soomaaliya.

Ma jirtaa hal Askari oo loo soo qabtay dilalkii dhacay? Wali ma aragtay hal Askari ama hal eedeysane oo Maxkamad loo soo taagay ? Cadaaladda Madaxweynaha Soomaaliya noo sheegay ma taasbaa mise wax kale ayaa jira? Waa su’aalaha qaar kamid ah Shacabka magaalada Muqdisho.

Imise qof ayey dileen Ciidamada amniga oo ay qaarkood soo dhaxgashay dowladda Islamarkaana lagu balamay in diinyo laga bixiyo kadibna lagu booday waa tiro beel. Hadalka Madaxweynaha waxa uu ahaa been lagu dul sheegay Maydadka dad shacab ah waxayna ka badalneen beentii uu dadka u sheegay markii uu ku jiray Olalaha doorashada waxaa sidaasi qaba Diini Maxamed Diini oo katirasn Ururada bulshada Rayidka ah.

“Miyeey cadaalad ah tahay in shacabka laga xiro wadooyinka? Haweenku ku dhalaan jidadka, meel lagu ganacsado la waayo gaadiidkiina waayeen meel ay maraan bil kastana Canshuurta laga rabo, Cadaaladda Madaxweynaha noo sheegay ma taasbaa ?” ayuu yiri Diini Maxamed Diini oo la hadlay Caasimada Online.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com