Xog: KHILAAF culus oo ka taagan VILLA SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii xogeysanaya khilaaf culus oo u dhaxeeya Agaasimaha Madaxtooyada Soomaaliya Aamina Saciid iyo ku xigeenkeeda Cabdirisaaq Xuseen Caato.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in mudooyinkii ugu dambeeyay uu sii xumaanayay khilaafka u dhaxeeya labada dhunac iyadoo aad looga dareemay Villa Somalia.

Qaar kamid ah shaqaalaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa noo sheegay in xafiisyada shaqada ay ka jirto xaalad taag taag ah iyo in lakala jiidanayo shaqaalaha Xafiisyada Madaxtooyada.

Aamina Saciid iyo ku xigeenkeeda C/risaaq Caato ayaa markii 2aad isku khilaafsan hab maamulka adeegyada Madaxtooyada iyadoo mid kasta uu raadinayo Isha dhaqae ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Xubno sare oo katirsan Shaqaalaha Madaxtooyada ayaa sheegay in murunka uu ka bilaawday Shirkad keenta adeegyada Madaxtooyada taas oo hoos tagta Caato.

In aad mas’uul ka noqoto ama ay rabitaankaada ku timaado Shirkadda qaabilsan adeegyada Madaxtooyada sida cuntada iyo adeegyada kale qalabka Xafiisyada waa meesha kaliya oo ay dhaqaalo kaa soo gali karaan, waana Isha dhaqaale ee muranka dhalisay.

Cabdirisaaq Xuseen Caato iyo Aamino Saciid waa markii labaad uu soo kala dhaxgalo Khilaaf culus oo dibadda usoo baxa islamarkaana saameeya Shaqaalaha Xafiiska Madaxtooyada.

Dadka xog ogaalka ah ayaa sheegaya in Cabdirisaaq oo qaraabo la ah Madaxweynaha Soomaaliya uu isku dayayo in uu cadaadis saaro Marwo Aamino oo ah haweeney aan aad u gal gal badneen lamana oga halka uu ku dambeyn doono khilaafka labada Dhinac.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com