Somaliland oo qaadatay go’aan cusub oo la xiriira kaniisadda Hargeysa

Hargeysa (Caasimada Online) – Maamulka Somaliland ayaa joojiyey kaniisad la doonayey in laga furo magaalada Hargeysa ee xarunta mamaulkaas, oo muran badan uu ka dhashay.

War-murityeed ka soo baxay wasiirka Diinta iyo Aw-Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed  ayaa lagu sheegay in go’aankan lagu saleeyey baaq xalay ay Hargeysa ay kasoo saareen culimada Somaliland iyo diidmada shacabka Somaliland.

Wasiirka ayaa sheegay in aysan jirin wax heshiis ah oo Somaliland ay cid kula gashay in la furo kaniisaddan oo xirneyd muddo ka badan 30 sano, islamarkaana iminka aan la furi doono.

Waxa uu sidoo kale sheegay in furitaanka kaniisaddan ay ka hor-imaneyso shareecada Islaamka iyo dhaqanka dadka Somaliland ee ku xiran Islaamka.

Culimada Somaliland oo ay ka mid yihiin Sheekh Maxamed Cumar Dirir, Sheekh Cali Maxamed Geeddi, Sheekh Xasan Cabdisalaan iyo culimo kale, ayaa sheegay inaanay banaaneyn in kaniisaddan la furo.

Kaniisaddan oo ay dhiseen gumeystihii Ingiriirska ayaa dhowana waxaa dib u dayac tirtay qaar ka mid ajaaniibta gaalada ah ee ka shaqeeya Somaliland oo doonayey inay dib u furtaan.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com