Sawirro: Aqri qodobada mideynta ciidamada qaranka ee la soo saaray?

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirka oo ka dhacay xarunta tababbarka ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa waxa ka ka qayb galay Ra’isul wasaaraha Xukumadda Somalia, Wasiiro ka tirsan Xukumadda, Taliyeyaasha iyo Sarakiisha Ciidanka qalabka sida ee Dalka.

Shirka ayaa waxaa ahmiyad lagu saaray adkaynta iyo wada shaqaynta ciidanka qalabka sida si meesha looga saaro isku dhacyada yar ee mararka qaar dhexmara ciidamada.

Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo khudbad u jeediyey Taliyayaasha iyo Saraakiisha ciidamada ayaa ka hadlay muhiimada, hadafka iyo doorka looga fadhiyo in Ciidanka uu kaalintiisa qaato iyadoo ay jirto wada shaqeyn.

Nuqul kamid ah haddalka Kheyre ayaa ahaa ”Ciidanka Qalabka Sida taariikh facweyn bey Dalka ku leeyihiin, waxaadna huwan tihiin qaranimada iyo sharafta Dalka. Maadaama aad raadineysaan Soomaalinimo iyo inaad dalkaan xoreysaan, waxaana arrintaasi ku qaban kartaan inaad tihiin Soomaali, Taliyeyaasha halkan fadhida idinka ayaa la idinka rabaa inaad isku soo dhaweysaan ciidamada”.

Waxa uu Kheyre sheegay in ciidanka qalabka sida ay yihiin rajada iyo dib u soo celinta dawladnidamada, sharciga iyo kala dambeynta.

Kheyre wuxuu ugu baaqay Taliyayaasha iyo Saraakiisha in la sii wado qorshayaasha ay kula dagaalamayaan cadowga ummadda Soomaaliyeed ee doonaya inay daadiyaan dhiigga dadka shacabka ah.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jeneraal Cabdixakiin Daahir Saciid ”Saacid” oo ku hadlaayey magaca Taliyeyaasha ciidanka qalabka sida ayaa shirka ka aqriyey qodabo lagu xoojinayo wada shaqaynta ciidanka qalabka sida ee Qaranka Soomaaliyeed.

1-In ciidamada ay si mideysan u wada howlgalaan, oo ay si wada jir ah ugu dadaalaan howlgallada dalka oo dhan, gaar ahaan caasimadda.

2-Inay is xoshmeeyaan oo ay isxaqdhooraan.

3-In ciidamada ay si daacad ah ugu wada adeegaan shacabka.

4-In ciidamada aysan kala duwin oo ay ogadaan inay yihiin ciidan qura oo ay dhowraan nidaamka ciidanka u degsan.

Wasiirka Cadaladda ee xukumadda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji Xuseen ayaa sheegay si horumar laga gaaro ammaanka dalka ay muhiim u tahay dhaqalaha, isagoo ku booriyay inay ciidanka is xaqdhowraan.