Golaha wasiirada DF oo amaanta magacaabay hanti dhowraha cusub ee qaranka

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirada ee xukuumadda Soomaaliya ayaa kulankoodii todobaadlaha ahaa oo ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay ku ansixiyeen hanti dhowraha guud ee qaranka oo loo magacaabay Mudane Maxamed Cali Afgooye..

Wasiirka wasaaradda Maaliyadda C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa u soo jeediyay golaha in Mudane Maxamed uu yahay muwaadin Aqoon u leh shaqadaan, iyadoo intaa ka dib golaha xukuumada ay ansixiyeen.

Golaha wasiirada ayaa horay xilkaan uga qaaday Dr. Nuur Jimcaale Faarax oo ahaa hanti dhowrihii hore ee Qaranka.

Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka, ayaa ah khabiir dhanka Maamulka iyo Maareynta Maaliyada, haddana u shaqeeya Dowlada Hoose ee Washington ee dalka Mareykanka oo uu ka yahay Maamule Sare ee dhanka Dhaqaalaha, heystana Shahaadada Masterka ee MBA oo uu ka qaatay Jaamicada Maryland ee dalka Mareykanka.

Hanti-dhowrahan cusub ayaa la sheegaya inuu kasoo jeedo beesha Cayr ee Habar-gidir kuna hayb yahay Nuur Faarax, ayada oo tani ay qeyb ka tahay dadaal lagu qancinayo beeshaas.

Nuur Faarax ayaa waxaa xilka laga qaaday kadib markii mid ka mid ah ilaadaiisa uu dilay wasiirkii howlaha guud Cabaas Siraaji, kadibna ayada oo aan wax baaritaan ah la sameyn uu bixiyey wareysiyo uu kaga hadlay sidi ay wax u dhaceen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com