Somaliland oo ‘qaran dumis’ u aqoonsatay Cabdirisaaq Khaliif kadib go’aankiisa

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Somaliland Cabdirisaaq Khaliif u aqoonsatay wax ay ugu yeertay “Qaran-Dumis” kadib markii uu Axaddii eedeyn culus u jeediyay maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Muuse Biixi.

Wasiirka warfaafinta Somaliland oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu inbadan isku dayay inuu qaranka khiyaamo, isaga oo ku eedeeyay in dhibtii ka taagneyd Laascaanood uu sii laba jibaaray.

“Cabdirisaaq Khaliif waxa uu cadeystay fikirkiisa uu kaga horjeedo qarannimada Jamhuuriyadda Somaliland, in badan waxa uu isku dayey inuu qaranka Khiyaamo, wuxuu noqday qofka kaliya ee dhibkii meesha taallay sii laba jibaara, weligiina wax Qaranka dan u ah kumuu talin,” ayuu yiri Wasiir Saleebaan Yuusuf Cali Koore.

“Hantidii halkan looga dhiibay Cabdirisaaq Khaliif ee madaxweynuhu u dhiibay ee loogu tala-galay in mushkiladda lagu xaliyo ayuu u isticmaalay inuu dhanka kale shidaan iyo rasaas u siiyo.”

Wasiir Koore ayaa waxa uu sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu dhamaan kasoo horjeestay dhaartii uu kal hore u maray reer Somaliland “Wixii u dhaartay ee Qaranka wuu kasoo horjeestay. Meeshii laga rabay in uu xal keeno oo uu dhex-dhexaadiyo dowladda iyo dadka wuxuu la saftay dhan, hadaladiisa ayaa markhaati idin ka ah ee ma ahan wax aan odhanayo.”

Waxa kale oo uu ku eedeeyay in Khaliif uu kamid ahaa dadkii wax kasoo dhisay dowladda federaalka Soomaaliya, weligiina uu hagar-daamo ku hayay Somaliland.

“Wuxuu haddimo aan loo aaba-yeelin ku sameeyay ciidanka Qaranka iyo Khiyaamo-Qaran oo uu ka galay dadka iyo dalka Somaliland. Waa in uu xilka si toos ah iskaga casilo qoddobadii uu ku ahaa guddoomiyaha Golaha Wakiilada dhamaantood wuu jabiyay.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay in ka xukuumad ahaan isku dayeen waxkasta oo hoos u dhigi kara xiisadda taagan, balse dhinaca kale uu ka shaqeynayo sidii ay usii ballaaran laheyd

Cabdirisaaq Khaliif ayaa shalay shaaca ka qaaday in xasuuq ba’an uu ka dhacay Laascaanood, isaga oo sheegay in awood xad dhaaf ah loo adeegsaday shacabka ku dhaqan magaaladaasi.

Guddoomiyaha ayaa eedeynta ugu weyn u jeediyay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo uu tilmaamay inuu kasoo horjeedo in xal rasmi ah laga gaaro colaada ka taagan magaalada Laascaanood.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray inuu qaaday tallaabooyin dheeraad ah oo ku aadan arrintaas, islamarkaana uu kala fur furay xarig kasta oo lagu doonayo in lagu gaaro nabad.

“Madaxweyne Muuse Biixi, badbaada maanta jirtaa waa in aad ciidamada kala baxdaa deegaanada SSC, maanta  berrito maaha, Haddii kale colaad raagta oo kalifaysa in aan dabka la kala qaadan ayaa ka dhalanaysa” ayuu yiri guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif.

Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in mas’uuliyadda wixii halkaas ka dhacay ay qaadayaan madaxweyne Muusae Biixi iyo Taliye Nuux Taani, sida uu hadalka u dhigay.

Xaaladda Laascaanood ayaa maalmihii u dambeeyay aheyd mid aad u cakiran, ayada oo uu sii xoogeystay dagaalka u dhaxeeya labada dhinac, kaasi oo sababay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur soo gaaray magaaladaasi.