26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 18, 2025

Somaliland oo qeyla dhaan ka keentay Siyaasiyiinteeda u goosta magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa markii ugu horeysay digniino culus u kala diray dhammaan Siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaanada maamulka ee xilalka u raadsada magaalada Muqdisho.

Maamulka ayaa sheegay in Siyaasiyiintaasi ay ula dhaqmi doonaan si ka fog anshaxa maadaama ay sharafkooda ka doorbideen dhaqaale ay u raadsadan magaalada Muqdishom
Sacad Cali Shire oo ah Wasiirka arrimaha Dibadda maamulka, ayaa sheegay in fariintiisa ay si toosa ugu socto kuwa xilalka kasoo qabta maamulka ee iminka ku qulqulaaya Muqdisho.

Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in kuwaas ay yihiin kuwo mansabkoodii dhaqaalo ku iibsaday sida uu hadalka u dhigay, waxa uuna cadeeyay inay ka saari doonaan muwaadinimada.

”Anagu nama matalo Siyaasiga xilka kasoo qabtay Somaliland ee markii laga qaaday xil u doontay Muqdisho, waayo waxa uu dhaqaale ku bedeshay sharafkiisa”

”Siyaasiga noocaas ah weynu la dagaalami doonaa mana nagu soo laaban doono maadaama uu ka weecday sharcigii noo degnaa”

Wasiirka arrimaha Dibadda Somaliland, ayaa sheegay inay sii kordhayaan cadadka Siyaasiyiinta u goosaneysa magaalada Muqdisho isagoo sababta ugu weyn ku sheegay dhaqaale raadis.

Haddalka Wasiirka ayaa kusoo beegmaaya xili dowlada Federaalka Somalia ay xilal wanaagsan ku soorto Siyaasiyiinta kasoo baqoosha deegaanada Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

- Advertisement -

Read more

Local News