SOMALILAND oo runta u sheegtay waftigii Itoobiya ee ka walaacsanaa MASAR

Hargeysa (Caasimada Online) – Wafdi ka socda dowladda Itoobiya oo uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyada Itoobiya, Axmed Shide ayaa shalay ka degay magaalada Hargeysa, iyada oo si weyn loogu soo dhaweeyay madaarka Hargeysa ee Cigaal.

Wafdigaasi ayaa xiligaasi loo sii gudbiyey qasriga madaxtooyada Somaliland, isagoona kulamo kala duwan la qaatay madaxda sarre ee Somaliland, gaar ahaan Madaxweyne Muuse Biixi.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Wasiir Axmed Shide ayaa madaxweyne Muuse Biixi kala hadlay xiriirka cusub ee ay Somaliland la sameysatay Masar, kaasi oo ay walaac ka qabto Itoobiya, isla markaana ay ka dalbatay inay dib u eegis ku sameyso dalabaadka uga imanaya dowladda Masaarida.

Wafdiga Axmed Shide ayaa madaxweyne Muuse Biixi la wadaagay wal-walka ay dowladda Itoobiya ka qabto xiriirkaasi oo horseedi kara in dowladda Masar ay saldhiga millateri ka sameysato deegaanada Somaliland.

Sidoo kale madaxweyne Biixi iyo Wafdigaasi ayaa ka wada-hadlay dar-dar gelinta xiriirka labada dhinac oo muddooyinkii dambe u muuqday mid hoos u dhacay meeqaamkiisu iyo sidii ay labada dhinac iskaga kaashan lahaayen arrimaha ganacsiga.

Wafdiga ayaa isla shalay ku laabtay dalka Itoobiya, iyada oo ujeedka u weyn ee ay u socdeena uu ahaa inay madaxweyne Muuse Biixi soo gaarsiiyan fariinta ka dhanka ah Masar, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Socdaalka Wafdiga Axmed Shide ayaa ku soo aadaya xili ay dhawaan magaalada Hargeysa ay tageen saraakiil Masaari ah oo xukuumada Biixi ka dalbatay inay siiso saldhig millateri.

Xiriirka cusub ee Somaliland iyo Masar ayaa u muuqda mid xiisad xoogan dhaliyey, iyada oo Itoobiyana walaac badan ka qabto dhaq-dhaqaaqa Masar ee geeska, xili ay kala dhaxeyso xiisada dabada dheeratay ee webiga Nile-ka.