Daawo: AXMED MADOOBE oo ka hadlay sida loo xaliyey khilaafka isaga iyo Farmaajo

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo hadal ka jeediyey gaba-gabada shirkii Dhuusamareeb ee madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ayaa sheegay in qabsoomidaas shirkaas uu sabab u ahaa madaxweyne Farmaajo, sida uu hadalka u dhigay.

“Markaan hadlayo dadku aadbey iisoo fiirinayaan oo waxay rabaan in aan wax kale sheeg-sheego, waxaa la yiri gacmo Geel-jire hoos haloo dhaqo, marka hoos ayaan wax u dhaqnay, waxanaguna way noo hagaagsanyihiin,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay in hadii danta guud ay hagaagto ay hahaayaan waxkasta oo gooni ah, isla markaana uu aad ugu faraxsanyahay aragtida ay madaxdu ka wada qaateen xaaladda guud ee dalka.

“Shirkan mar hore ayey aheyd in la isugu yimaado, sababtoo ah wax badan oo mar hore aan qaban laheyn ayaa dib u dhacay, in la isla shaqeeyo oo wax la isla fiiriyo waxay saldhig u tahay is-fahamka, wadashaqeynta, iyo horumarka wadanka, Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaraha iyo madaxda kale ee dowlad goboleedyada, waxaan leeyahay habateen wadahadallada iyo kulamaduba,” ayuu yiri.

Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ayaa ka mideysnaa soo hadal qaadidda in warar loo kala qaadi jiray madaxda, “Hadii la kala baado, warka aan arkeynana dadka aad loogu kala  qaado, xumaan iyo waxyaabo badanbaa soo baxaya” ayuu yiri.

Tan iyo markii Axmed Madoobe bishii Agoosto ee sanadkii hore uu markii seddaxaad ku soo baxay doorashadii ka dhacday Kismaayo, khilaaf adag ayaa kala dhexeeyay madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan madaxweynaha, taas oo sababtay in maamulka Axmed Madoobe laga fara-maroojiyo guud ahaanba gobolka Gedo.

Axmed Madoobe oo meel kasta oo hadal uu ka jeedinayo eedeymo ugu soo jeedi jiray madaxda federaalka, ayaa haatan gaba-gabada shirkii Dhuusamareeb ku shaaciyey in wax kasta oo jiray hoos loo dhaqay.

Waxaa xusid mudan in dagaal ay muddo dheer madaxtooyadu kula jirtay Axmed Madoobe uu bartamihii bishii hore ee June uu ku soo biya shubtay, in laba sano madaxweyne ku meel gaar ah loogu aqoonsado Axmed Madoobe, wallow Madaxweyne Axmed Madoobe uu si cad uga biya diiday in laga jaro labada sano ee kale.

Hoos ka Daawo hadal jeedintiisii.