AXMED WARSAME: Muxuu innaga mudan yahay?

Axmed Warsame, wuxuu ka mid ahaa howlwadeenadii  safaaradda Soomaaliya ee Magaalada Brussels ee dalka Biljamka, isaga oo safaaradda ka shaqaynayay laga soo billaabo dabayaaqadii 60-meeyadii, kana soo qabtay xilal kala duwan.

Axmed Warsame, markii ay dowladdii dhexe burburtay 1991-kii wuxuu diiradda saaray inuu ilaaliyo hantidii Qaranku uu dalkaasi ku lahaa, oo ay ku jireen dhismihii safaaradda Soomaalida & gurigii safiirku daganaa, taas oo ay dad badani ku xasuustaan.

Axmed, wuxuu marar badan hor-istaagay shaqsiyaad horor ahaa, oo warqado ka watay dowladihii KMG ahaa ee dalka loo soo dhisay, kuwaas oo doonayay in dhismayaashaasi Qaranku lahaa  ay shirkado iyo shaqsiyaad ka iibsadaan, wuxuuna Axmed keligii u babac dhigay inuu meel kasta ka difaaco hantidaas, ilaa maxkamado la isla tegay, waxaanna  ugu dambayntii dacwadaasi ku guulaystay Axmed Warsame.

Dadkii uu hor-istaagay Axmed oo qaarkood ay gacmaha isula tageen waxaa ka mid ahaa; shaqsiyaad caan ah, oo malaha is lahaa inta uu Qarankani burburka ku jiro ka faa’iideysta, hasse ahaatee waxaa ka dhiidhiyey qorshahaasi Axmed, oo tusay inta ay nool yihiin isaga iyo kuwa la midka ah in ay hantida Qaranka difaaceeda u dhimaayaan.

Markii safaaradda loo soo magacaabay Danjire Nuur Xassan Xuseen [Nuur Cadde] Axmed Warsame wuxuu ku soo dhoweeyey Brussels, isaga oo safiirka cusub ugu deeqay baabuurkiisii, wuxuuna qayb wayn ka qaatay sidii loo heli lahaa goob safiirku uu  si KMG ah ugu shaqeeyo, maadaama xilligaasi dhismihii safaarada ay daganaayeen dad qaxooti ah.

Axmed intii uu xilka hayay danjire Nuur Cadde wuxuu  udub dhexaad u  ahaa u  soo guuritaankii dhismaha safaaradda iyo in safiirku ku shaqo billaabo hal qol oo ka mid ah dhismihii waynaa ee safaaradda, waxaanna Axmed uu jeebkiisa ka bixiyay lacagtii lagu dayactiray qolkii uu safiirku daganaa iyo qabyo yar oo ka mid ah dhismahaasi.

Markii la soo magaacay  Dr. Cali Siciid Fiqi  wuxuu Axmed mar kale  garab galay safiirka cusub isaga oo ku deeqay hiil iyo hoo wixii uu kari karay, waxaanna Axmed Warsame ay dad badani ku xasuustaan inuu yahay  shaqsi naxariis gaar ah u muujiya dadka da’da iyo dhalinyarada xerooyinka qaxootiga ku jira ee lagu xujeeyo in ay safaaradooda kala yimaadaan warqad caddaynaysa Soomaalinimadooda, iyaga oo qaarkood ka soo safra waddamo fog. Axmed wuxuu ahaa shaqsi qofkii aan awoodin ka bixiya qidmada lagu sameeyo dukumintiyada ay dalbadaan. 

Axmed, dabeecad ahaan waa nin bulshay ah, Soomaalidu u siman tahay, qof kasta oo Soomaali ah gobolkuu doono ha ka yimaadee fadhiga kaga kaca, wixii uu la qaban karo’na la qabta, waxaanna uu taasi ku mutaystay ammaan iyo duco fara badan.

Axmed Warsame mar kale wuxuu jeebkiisa ka bixiyey lacagtii ugu badnayd ee lagu bixiyey dayactirkii ballaarnaa ee lagu sameeyey dhamaan dhismihii safaarada, waxaanna dhacday in madaxda ka tirsan safaarada marka ay ka hadlayaan dhaqaalihii ku baxay dhismaha safaaradda in aysan xusin magaciisa, taas oo xadgudub iyo gef-ba ku ah bini’aadanimada. 

Axmed Warsame wuxuu maanta la jiifaa xanuunkii uu ka qaaday tacadiyo badan oo loo gaystay, xaaladiisuna ma wanaagsana.

Madaxda sare ee dowladda Soomaaliya oo intooda badan aan hubo in ay garanayaan Axmed Warsame waxaan ka codsanayaa in ay taariikhda baal dahab ah kaga qoraan halyeygaas la xaqiray taariikhdiisa. 

W/Q: Cabdishakuur Cilmi Xassan – Waxaad kala xiriiri kartaa E-mail: shakuurcadde73@hotmail.com